Jubbaland State Forming Delegation Reach Puntland, & Puntland To Send A Large Wafdi To The Jubbaland Conference Soon To Start.
Garoowe: Wafdigii JubbaLand oo gaaray xarunta PuntLand ee Garoowe
13. februar 2013
APL
Garoowe ( Allpuntland)- Wafdigii ka socday JubbaLand oo ka koobnaa xubno todobo ah oo u badan ganacsato, ayaa soo gaaray xarunta Puntland ee Garoowe, halkaasi oo ay siddiiran ugu soo dhaweeyeen madax sare oo ka tirsan maamulka dawlada Puntland iyo qaybaha bulshada xubno ka tirsan.
Wafdiga oo ka socda gudiyada maamul u samaynta Jubbooyinka iyo Gado ayaa shalay kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo ayaa ujeedada safarkoodu la xiriirtay sidday taageero dhaqaale iyo mid dhinac walba ah ugu heli lahaayeen maamulka laga dhisayo goboladaasi.
Wafdiga JubbaLand ayaa kulamo kala duwan la yeeshay maamulka Gobolka Mudug iyo qaybaha bulshada ee Gaalkacyo, Waxayna Garoowe kulamo kuwaas la mid ah la yeelan doonaan maamulka Puntland, kan gobolka Nugaal iyo qaybaha bulshada ee Garoowe.
Wixii warar kasoo kordha la soco Allpuntland, haddii ALLAAH idmo
Nagala soo xiriir >> webmaster@allpuntland.com





