1. 100% unequivocal support to Jubbaland State with Gedo, Lower Jubba, and Middle Jubba
2. Voiced support for the process which will begin on February the 23rd
3. Backed Federalism and limited central government rule
An envoy from Kismaayo led by Sheikh Aw-Libaax and Gen Fartaag, two of the five Jubbaland signatories, are enroute to Gedo to pick up the 170 representatives the region will send.
Shirweyne ay iskugu yimaaden Waxgaradka Gobolka Gedo oo lagu taageray dhismaha Maamulka Jubbaland,
admin | Feb 16, 2013 |
Shirweyne ay iskugu yimadeen qaybaha kala duwaan ee bulshada Gobolka Gedo ayaa waxaa uu manta ka dhacay Magaalada Doolow ee Gobolka Gedo.
Shirkaan oo ahaa mid loga hadlayay Sugida Amaanka Gobolka Gedo iyo Taageero lo muujinayay Shirweynaha Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo ee 23 bishaan ka bilaabanaya Magaalada Kismaayo.
Col. Cabdi Cabdilahi erig Kuluul oo asagu ka hadlay Kulankaas ayaa waxaa uu shegay in guud ahaan Shacabka Gobolka Gedo ay diyaar u yihiin in ay la midoobaan Gobolada Jubboyinka islamarkana ay samaystaan Maamul ay ku mideysan yihiin Gobolada Jubbada Hoose Jubbada dhexe iyo Gedo. ”
Waxaa nagu so wajahan Wafdi Balaran oo dhanka Kismaayo ka imanaya wafdigaas waxaa ay no sharixi doonan qabka ay wax u socdaan iyo Ergoyinka Gobolka ka bixi doona ayu yiri Col Kuluuli”
Nabadoon Maxamed Cismaan oo ka mid ah Nabadoona Gobolka Gedo oo asagana ka hadlay kulanki Manta ayaa waxaa uu siweyn uu soo dhaweyay Qorshaha Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo waxana uu shegay hadi ay yihiin Salaadiinti Gobolka Gedo in ay tagersan yihiin in la yagleelo Maamulka Jubbaland. Kulankaan oo ay ka soo qayb galeen waxgarad kor u dhafaya 200 oo qof oo ka kala yimid Dagmoyinka Gobolka Gedo ayaa waxaa ugu danbeyn ka hadlay Gudomiyah Dagmada Doolow Cabdirashiid Cabdinuur Janaan Gudomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in Amaanka Gobolka uu meel wanagsan maraayo Arimo ay ku kaceen Ciidamada Dowladana xalintoodi lagu jiro ayna marayso heer gabogabo,
Sido kale Gudomiyaha ayaa waxaa uu ka hadlay Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo waxana uu shegay in Shacabka Gobolka Gedo ay diyaar u yihiin ka qayb qadashada Maamulka Jubbaland State of Somalia oo uu shegay in uu yahay mid dastuuri ah oo hoose imaan doona Dowlada Rasmiga ah ee Somalia ka jirta.
Ugu danbeyn kulanki ka dhacay Dagmada Doolow ayaa waxaa uu ku soo dhamaaday sidi logu tala galay waxaana maalinta bari ah laga sugaya Gobolka Gedo in ay soo garaan wafdi balaran oo ka socda Saxiixeyaasha Maamul Usameynta Jubboyinka iyo Gedo oo ay ka mid yihiin Gen Fartaag iyo Sh Maxamed Aw-libaax waxayna gobolka ka daad gurayn doona 170 ergo oo gobolka Gedo u matali doonta Shirweynaha Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo. Maxamed Cisman Nuur
Doolow-Somalia
http://kismaayo24.com/?p=53947



fake state!
it's coming along just fine alxamdulilah