Iska hor imaad qasaaro uu ka dhashay oo ka dhacya duleedka Muqdisho
Muqdisho (Sh.M.Network)—Iska hor imaad u dhaxeeya Ciidamo kawada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay deegaanka Siinka-dheer ee duleedka Magaalada Muqdisho.
Dad goobjoogayaal ah ayaa Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho u xaqiijiyay in Iska hor imaad u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya uu ka dhacay deegaanka Siinka-dheer ee duleedka Muqdisho.
Iska hor imaadka ayaa la sheegay in uu ka danbeeyay markii ay Ciidamada dowladda kawada tirsan ay ku murmeen lacagaha canshuurta ah ee laga qaado Suuqa Geela ee kuyaalla deegaanka Siinka-dheer.
Goobjooge ayaa u sheegay Idaacadda Shabelle in isagu uu arkay 2-askari oo dhaawac ah, iyadoona ay dhici karto in uu jiro qasaaro kale oo aan hada la ogeyn.
Intabadan Marka ay murmaan Ciidamada dowladda Soomaaliya waxaa sidaan oo kale u dhax maray gacan ka hadal keena qasaaro Nafeed iyo mid hantiyadeed oo soo gaara dadka ku sugan goobaha ay ku dagaalamaan.
Sh.M.Network
http://shabelle.net/iska-hor-imaad-qasa ... -muqdisho/




