Kenya Oo Taageerayaasha Axmed Madoobe Shir Uga Furtay Kismaayo,iyo Qabaa'ilada Jubbooyinka Oo Digniin Bixiyay
Saraakiisha ciidanka Kenya ee xoogga ku heysta magaalada Kismaayo ayaa maanta gudaha magaaladaasi ka furay shir ay isugu keeneen Axmed Madoobe iyo Odayaal beeshiisa ah waxaana looga arrinsanayaa qaabkii dagaal beeleed loo hurin lahaa.
Xilli xiisado colaadeed weli ka taaganyihiin magaalada Kismaayo oo ay difaacyo isugu jiraan maleeshiyaadka Axmed Madoobe iyo kuwa kale oo qaab beeleed u abaabulan ayay Kenyatigu doonayaan in ay sii xoojiyaan colaadda magaalada ka jirta.
Shir loogu magac daray shirka “maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka iyo Gedo”, oo uu gar wadeen ka yahay Axmed Madoobe ayaa furmay waxaana lafilayaa in shirka ay Odayaasha Axmed Madoobe taabacsan qalinka ku jiidaan “Guddoomiyaha Jubbaland waa Axmed Madoobe”!!.
Mid ka mida saraakiisha maleeshiyaadka Beesha Mareexaan ee qeybta ka ah loolanka Kismaayo ayaa noo sheegay in shirkaasi aysan cidna u metelin beeshooda.
“Annagu difaac baan ku jirnaa waxaana isku diyaarinaynaa in aan magaalada Maamul u sameynno waxa riwaayadda ah ee Maanta Kismaayo ka furmay ma aqoosanin”ayuu yiri sarkaalka u hadlay maleeshiyaadka magaca Mareexaan ku dagaalamaya.
Wararka qaar ayaa sheegaya in beesha Mareexaan magaceeda ay shirka ku joogaan laba Nin oo mid Sarkaal yahay waxaana lagu kala sheegay Yaasiin Raadaar iyo Suldaan Beylle oo dhanka Nairobi ka yimid.
Dhinaca kale xaaladda Kismaayo ayaa kacsan waxaana maanta duhurkii mar hawada ka baxay isgaarsiinta magaalada waloow markii dambe ay dib usoo laabatay.
Holding Conference is as useless as trying to mix oil with water.