They have been very welcomed with caleemo.
Ciidamadaan oo ka socda wadanka Jabuuti ayaa waxay ka anbabaxeen magaaada Baladweyne waxaana ay tageen deegaano ka tirsan gobalka Galgaduud.
Ciidamadaan oo tiradooda ay gaareysay 500 oo askari isuguna jira Soomaaliya iyo Jabuutiyaan ayaa waxa ay si toos ah u tagayaan degmada Dhuusomareeb ee gobalka Galgaduud halkaasi oo wararka qaar ay sheegayaan in madax ka tirsan dowladda ay tagi doonaan.
Waa markii ugu horeysay oo ciidamada AMISOM ay tagaan gobalka Galgaduud inkastoo si toos ah aan loo ogeyn inay siijoogi doonaan gobalkaasi iyo inay dib uga soo noqon doonaan.