Somaliland oo kasoo Horjeestay in Dowladda Soomaaliya oo keliya laga Qaado Cunno-qabteynta Hubka
Arbaco, Maarso 06, 2013 (HOL) — Maamulka Somaliland ayaa si weyn ugu soo horjeestay qorshaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu uga doonayo inuu cunno-qabateynta hubka uga qaado dowladda Soomaaliya.
Wasiirka gaashaandhigga Somaliland, Axmed Xaaji Cali (Cadami) oo shir jaraa’id ku qabtay maanta magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland ayaa sheegay in haddii Golaha Ammaanka ay oggolaadaan in cunno-qabateynta hubka laga qaado Soomaaliya ay ka dhalan karto cawaaqib xumo saameyn ku yeelata gbolka Bariga Afrika oo dhan.
Cadami ayaa sheegay inay si weyn ugu walwalsan yihiin in hub casri ah uu soo galo Soomaaliya, isagoo intaas ku daray in taasi ay wiiqi karto nabadda iyo ammaanka Somaliland oo muddadii labaatanka sano ahayd ay xasillooni ka jirtay.
“Haddii cunno-qabteynta la qaadayo waa in si dhameystigan loo qaado, balse aysan ogolaan karin in in koox gaar ah laga qaado, kuwa kalena ay sii saarnaato, taasi haddii ay dhacdana waxay u muuqanaysaa in koox gaar ah ay beesha caalamku garbo-duub u haynayso,” ayuu yiri wasiirka difaaca Soomaaliya.
Sidoo kale, wasiirku wuxuu ugu baaqay dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay ka fiirsadaan go’aanka ku aaddan qaadista cunno-qabateynta hubka ee Soomaaliya saaran.
Hadalka kasoo baxay Somaliland ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli sidoo kale ay Puntland iyaduna sheegtay in cunno-qabateynta hubka laga qaado Soomaaliya, iyadoo sheegtay in qaadista cunno-qabteynta hubka ay dan ugu jirto koox gaar ah oo leh damac siyaasadeed.
Somaliland ayaa waxay 20-sano ka hor ku dhawaaqay inay Soomaaliya inteeda kale ka go’day, balse Puntland oo la dhisay 14-sano ka hor ayaa waxay weli ka mid tahay Soomaaliya.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka dalbatay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay in cunno-qabteynta hubka laga qaado si ay dib ugu dhisto ciidamada dowladda oo dagaal ba’an kula jira xoogagga Islaamiyiinta ah ee Al-shabaab.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
MJs are against that, so that means their slaves ogadeen are also against the arms embargo to be lifted?