If Majeerten were as good fighters as they were liars, they would have been an unstoppable force:
http://hobyoradio.com/3,12,20131.html
Warar been abuur ah.Madaxda Galmudug oo waftigii R/wasaare Saacid ugu sameysay casho sharaf.
March,12,2013
www.Hobyoradio.com
Warar been abuur ah. Madaxda Galmudug oo waftigii R/wasaare Saacid ugu sameysay casho sharaf hotel Emabassy.
Warar been abuur ah oo lagu qoray website-yada qaar ayaa sheegaya inuu R/wasaare Saacid u hoyday dhinaca waqooyiga magalada Galkacyo oo ay kataliso Puntland, Wararkan ayaa ah kuwa been abuur ah Madaxda Galmudug ayaa casho sharaf ugu sameeyay Hotel Embassy waftigii uu hogaaminayay R/wasaare Cabdi Farax Shirdoon, wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka C/kariin Xusein Guulleed, Wasiirka maaliyada iyo Qorshaynta Maxamuud Xasan Sulayman iyo Xilldhibaano katirsan barlamaanka Somaliya,
Casho sharafta kadib ayaa waxaa codsaday inay caawa u hoydaan dhinaca waqooyi ee magalada Galkacyo oo ay kasoo jeedaan wasiirka maaliyada iyo Qorshaynta Somalia Maxamuud Xasan Suleyman iyo Xilldhibaano ayaguna kasoo jeeda isir ahaan dhinaca waqooyiga Galkacyo, M/weynaha Galmudug ayaa codsigaasi aqbalay ayadoo uu R/wasaaraha Somaliya Saacidna ka aqbalay wasiirka iyo xilldhibaanada kamidka ahaa waftiga’ Max’ed Xasan Sulayman ayaa Ciidamada daraawiishta Galmudug u galbiyeen dhinaca waqooyi ee magalada Galkacyo’ Wararka naga soo gaaraya dhanka waqooyi ayaa sheegaya in la dejiyay wasiirka iyo xilldhibaanadii la socday hotel Sugule.
Dhinaca kale R/wasaaraha Somaliya Mudane Cabdi Farax Shirdoon Saacid iyo Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed ayaa quraacdii kadib kulan la qaatay madaxda Galmudug ayadoo uu Wasiirka Arimaha gudaha iyo Amniga Somaliya Mudane C/kariin uu ka dhoofay magalada Galkacyo asagoo kusii jeeda shirweynaha ka furmaya magalada Qahira ee dalka Masar
Wasiirka Maaliyada iyo Qorshaynta Soomaaliya Maxamuud Xasan Suleybaan iyo Xildhibaanadii ku hoyday waqootiga Galkacyo si ay eheladooda usoo arkaan ayaa maanta galinka danbe laga filayaa inay kusoo biiraan waftiga uu hogaaminayo R/wasaare Saacid.
Sikastaba ha ahaatee R/wasaaraha dowlada federaalka Somaliya iyo madaxda Galmudug ayaa horay ugu kulmay magalada Muqdisho ayagoo kulankoodii hore uu jiray isafgarad labada dhinac hase ahaatee aan la shaacin waxa ay isku afgarteen, Hada ayaa la filayaa inay kala sixiixan -doonaan heshiis quseeya labada dhinac kaasoo lasoo saarayo asagoo qoraal ah maalinta barito.