defence minister: yes we can have tanks, military vehicles
Posted: Tue Mar 12, 2013 5:50 pm
o (RBC) Wasiirka gaashaandhigga dawlada federaalka Soomaaliya Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa markii ugu horreysay faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey qaadista cunaqabateyntii hubka ee saarneyd Soomaaliya tan iyo sanadkii 1992-kii taasoo golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ay si buuxda isugu raaceen in la qaado toddobaadkii hore.
Wasiirka ayaa sheegay in dawlada federaalka ay ka faa’ideysaneyso qaadista xayiraada hubka isla markaana ay dawlada guda galeyso dhismaha iyo qalabeynta ciidamada dalka.
“Waxaan u arkeynaa inay tahay fursad dawlada ay tahay inay ka faa’ideysato, haddii ay dawlada ku xadgudubto oo hubkan uu gaaro gacanta cadawga waxaa cad in xayiraada markale la soo celin doono oo ay weliba adkaan doonto sidii markale lagu qaadi lahaa.” ayuu yiri wasiirka difaaca oo la hadlay idaacadda dawlada.
“Waxaan rabaa inaan shacabka u xaqiijiyo in fursadaan ay noqon doonin mid shacab lagu dhibaateeyo. Dawladu marnaba ma ogolaan doontio in hubkaas gacanta u galo shakhsiyaad iyo kooxo dadka ku dhibaateeya, ballanqaadkaas ayaan u sameynayaa shacabka, ma ahan in laga walwalo ama laga muujiyo walwal.” ayuu sii raaciyey wasiirka hadalkiisa.
Noocyada hubka ee loo fasaxay dawlada
Wasiirka difaaca Cabdixakiin Xaaji Fiqi oo la weydiiyey noocyada hubka ay dawlada Soomaaliya soo iibsan karto ama dalka keeni karto ayaa sheegay in marka laga reebo hubka miinooyinka, lidka diyaaradaha, hubka habeenkii lagu dagaalamo iyo hoobiyaasha inta kale ay dawlada soo iibsan karto.
“Intaas wixii a soo hara dawlada way soo iibsan kartaa.” ayuu sii raaciyey wasiir Fiqi. Wuxuu sheegay in taangiyada fudud iyo gaadiidka gaashaaman ay dawladu keensan karto.
Wasiirku wuxuu sheegay in dawlada sidoo kale ay keensan doonto dharka ciidamada oo cusub si ay u nidaamiso ciidamada dawlada isla markaana loo joojiyo kooxaha maleeshiyaadka ee sida qaldan u adeegsada dharka iyo astaamaha ciidamada.
Tirada ciidamada dawladu dhiseyso
Wasiirka mar uu ka hadlayey qorshaha dhismaha ciidamada ayaa wuxuu ka gaabsaday inuu sheego tirada guud ee ciidamada hadda dawladu heysato, balse wuxuu cadeeyay in sanadaha ugu horeeya ay dawladan cusub dhiseyso ciidamo gaaraya illaa 8,000 askari kuwaasoo uu sheegay in la qalabeyn doono.
Wuxuu kaloo intaa raaciyey in dawlada ay qorsheynso inay dhaqancelin iyo hub ka dhigis ku sameyso maleeshiyaadka hubeysan ee ku sugan gobollada dalka kuwaasoo inta u qalantana lagu biirin doono ciidamada dawlada inta kalana loo abuuri doono xirfado ay noloshooda ku raadsan karaan.

