Raysal-wasaarihii Jabuuti Oo Iscasilay Iyo Isku Shaandhayn Lagu Sameeyay Golaha Xukuumadda + Wasiirka Difaaca Oo Raysal-wasaare Loo Magacaabay
Jabuuti (Ramaas) Mar 31,2013 – Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa maanta Magacaabay Raysal-wasaare cusub oo dalkaasi yeelan doono.
Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa Raysal-wasaaraha cusub ee Jabuuti u Magacaabay Wasiirkii Gaashaandhiga Cabdiqaadir Kaamil, ka dib markii uu toddobaadkan gudihiisa iscasilay Raysal-wasaarihii Jabuuti Dilaita Maxamed Dilaita oo muddo dheer xilkaasi soo hayey.
Sida laga soo xigtay xoghayaha guud ee dawladda Jabuuti Mr Maxamed Xasan, Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Magacaabay raysal-wasaaraha cusub ka dib markii uu isla maanta istiqaalada ka aqbalay raysal-wasaarihii hore, waxaanu Madaxwayne Geelle uu raysal-wasaarihii hore ku tollay bilad sharafta ugu sareysa Jabuuti, sida idaacada VOA ay baahisay.
Sidoo kale, Madaxwaynaha ayaa isku shaandhayn ku sameeyay golaha xukuumaddiisa, waxaanu eryay Wasiirrada Ciyaaraha, diinta, miisaaniyada, Caafimaadka iyo ganacsiga, waxaana lagu badalay wasiirro cusub.
Madaxwayne Geelle, waxa aanu xilkoodii waxba ka badalin isla-markaana u daayey 7 wasiir oo iyagu xilalkoodii haynaya.
Dhanka kale, ilaa hadda lama oga sababta uu isku casilay raysal-wasaare Dilaita Maxamed Dilaita, inkasta oo Madaxwaynaha Jabuuti uu uga mahad-celiyay mudadii ay soo wada shaqeynayeen.



