Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Beelaha Biimaal, DM iyo banaadiriga uu kaso hojeedsaday HAG.

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
xaliye123
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1133
Joined: Thu Nov 01, 2012 6:25 pm
Location: Maxaa iga galay nin geel badan.

Beelaha Biimaal, DM iyo banaadiriga uu kaso hojeedsaday HAG.

Postby xaliye123 » Mon Apr 08, 2013 3:05 am

Beelaha Biimaal, Digil iyo Mirifle, iyo beelaha banaadirga ee dega gobolka shabeelaha hoose oo beeniyey dulmina ku tilmaamey warbixintii ay qoreen websiyedada qaarkood hadalkaasi oo ahaa warbixin dacayaad ah oo aan laga fiirsan, loona dhigey si laablakac ah oo uu maseyr xumo ku dheehan tahay..
Beelahan dhammaan wada dega gobolka shabeelaha hoose, oo walaalo ku ah lihina ku leh gobolkaas ayaa wax aad uga caroodey warbixinta cadiifada aheyd ee ay websidyada qaarkood ay ka qoreen Siyaasi ahna Madaxweynaha maamul goboleedka Udub Land iyo Hay’adaha gargaarka ee ka shaqeeya gobolka kuwaasoo kala ah WFL iyo AYUUB iyo saraakiisha hay’adaba.
Qowmiyadahan ayaa waxa ay aad uga coroodeen wararka ku tirakuteenka ah ee si ba’an looga been abuurtey saraakiisha hay’adaha samafalka ee ka shaqeeynaya gobolka Shabeelaha Hoose tan iyo 1992 iyo odeyaal dhaqameedyada degaanka ka soo jeeda..
Beelahan oo si wadajir ah kulamo kala duwan ku kala yeesheen caasimada Muqdishu, degmada Marka, iyo degamada Baydhaba ayaa cambaareeyey dadka ujeedada qaaska ah ka wata gobolka shabeelaha hoose ee ka soo duuley gobolada Dhexe.. Beelahan ayaa waxa si cad ah uga go’an iney u jihaadaan gobolkooda rasmiga ah ee Illaah ku maneystey dagaal taariikhi ahna ay la soo galeen dowladii talyaaniga ee gumeysiga wadanka ku soo galey.. waxa ay na ka siman yihiin iskuna wada raacsan yihiin Mabda’a guud ee la dagaalanka cadowga guud ee ka soo duuley Guri Ceel.
Waxa wax lala yaabo ah in hay’ado samafal oo si fiican gobolka looga yaqaan, lana wada ogsoon yahay waxa ay wadanka iyo gobolkaba ka qabteen tan 1990 ayaa cadiifad qabiil iyo dacaayad raqiis ah darteeda lacago loogu baxshey warbixino aan meelna ku saleysneyn. Hay’adaha WFL iyo AYUUB waxa ay badbaadiyeen oo ay gargaar ufidiyeen 4500 caruuru iyo hooyooyin aad u sabool ah oo ka kala yimid gobolada soomaliya, kuwaasi oo maanta noqdey iftiin baxaayo, soomaaliya iyo duunyaduba meel waliba laga ogsoon yahay.. Hay’adahaas wax shuqul iyo afaaro ah kuma laha la xiriirinta al shabaab iyo ladagaalanka beelaha ku dagaaltamaya Marka, waa hay’adad dhex dhexaad oo ay u simin tahay dhammaan soomaliweyn gaar ahaan beelaha ku nool gobolka shabeelaha hoose. balse waxa ay baaq u dirty nabadeynta iyo deganaanshaha gobolka iney tahay midda keliya ee guul lagu gaari karo.
Waxa la ogsoon yahay iney jiraan odeyaal qabqabliyaal dagaal iyo kuwa qabiil ahaan ku soo duuley isku baheystey oo shidaya dagaalka, kuwaasi oo ay ka mid yihiin qabiilkii dhaca iyo boobka u geyysan jirey maatada gobolka 2000-2008.
Waxa ay marlabaad iyo mar seddexaadba u sheegayaan beelaha Biimaal, Digil iyo Mirifle, Banaadiri in ay aad uga xun yihiin falalka xun xun ee ka baxsan bani’aadinimada ee ay qorayaan websiyada qaarkood, kuna cambeereynayaan cidda ka dambeysey, iaygoo og, xog ogaalna u ah shaqsiyaadka warbixinada qoraya, noocooda iyo sida ay kala yihiin.
Waxa kale oo ay marqaati kacayaan in hay’adaha samafalka ee WFL iyo AYUUB ay yihiin hay’ado u gargaaro agoonta gobolka shabeelaha hoose ee ay wax ku soo kordhiyaan gobolka, taasi lideeduna ay hay’adaha kale qaarkood ee gobolka jooga iney ka rartaan wax kasta ee samafal loogu soo tala galey ayna u gudbiyaan gobolada dhexe sida Guri Ceel Iwm, taasina loo haayo cadeemo cad cad.
Xarumaha kale ee Ayuub, Iimaan center waa goob lagu barbaariyo oo ay leeyihiin agoonta soomaaliyeed tan 1990, halkaasoo ay ka iflaxaadey dhallinyaro fara badan oo ay maanta kala jooga dunida dalcaladeeeda.
Waxa mucjiso ah in Marka ay degaan ahaan ku yihiin beelaha Soomaaliya ay ka kooban yahay oo idil, uguna fagfag iyo dhibaato badan beeshan soo duushey oo keliya iyadoo rabta iney sii wado gumaadkii iyo dhacii lagu yaqiin, laakiin taasi waxa ka soo horjeestey Dastuurka Soomaaliya maanta u qoran oo ah ama ku dhisan FEDERAL.
Sida Eebu noogu yiri, Xaqqu waa soo daahiraa, baadilkuna mugdi ayuu gelayaa, micnaha dadkii deegaanka ahaa wey isku xirteen weyna u wada dhan yihiin difaacooda xaqqa ah ee gobolkooda , ciddii dulmi iyo iska weyni ku soo duushana muruqooda ayey la tiigsan doonaan inshallaah.
Warbixinada shirarka beelaha dega gobolka iyo warbixino kale kala soco si toos ah www.markanews.net
Hussein Nuur

xaliye123
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1133
Joined: Thu Nov 01, 2012 6:25 pm
Location: Maxaa iga galay nin geel badan.

Re: Beelaha Biimaal, DM iyo banaadiriga uu kaso hojeedsaday

Postby xaliye123 » Mon Apr 08, 2013 3:05 am

Beesha Biimaal oo qeybo badan ka degta gobolada jubooyinka ayaa waxay cadeynaysaa ineeysan kasoo horjeedin
shirka maamul u samaynta ee ka socdo magaalada kismayo oo hada maraayo meel gaba gaba ah.

Waxaa Shalay Magaalada Muqdisho ka dhacay shir la sheegay iney isugu yimaadeen dad lagu tilmaamay iney
yihiin hogaanka beelaha dirta koonfureed kuwaasoo aan matalin beesha Biimaal oo iyadu magaceeda lagu qaraabtay
maadaama aay beesha Biimaal tahay iyadu dirta koonfur degta oo deegaan muuqdana ku leh, balse waxaan la fajacnay
dadkaan raba ineey ku qaraabtaan magaca beesha Biimaal iyagoo aan ka hadli karin weerarada aay ku hayaan Wasiirka arimaha gudaha iyo beeshiisa habargidir iyo sidoo kale dilalka qorsheysan oo aay kula kaceen nabadoonada deegaanka markii aay kasoo horjeesteen damaca soomaali la yaabtey ee dhul boobka iyo is baarada ku salaysan oo aay wadaan Guutaale iyo beeshiisa, C/qaasina u fadhiyo Madaxtooyada si dadbana ugu yahay la taliyaha qaaska ee madaxweyne xassan sheikh maxamud.

Hadaan nahay beesha Biimaal ee Dirta Koonfureed nama matalaan dadka aay shidaalka ku shubteen dhiig yacab ahmed diiriye iyo xasan xaad oo labaduba sheegta ineey yihiin nabadoono balse inta badan ku mashquulsan sidii aay u carqaladeen lahaayeen shirka kismayo maadaama aay jubooyinka ku jirtay kaartadii dhul boobka ee uu Jen. Ceydiid qoray 1991kii, taasoo aay ku qorneed gobolada kala ah; Sh/hoose, Jubooyinka, iyo Baay iyo Bakool waana sababta aay xaad iyo diiriye maalin walbo u yiraahdaan daarood aa dad dhacaayo IWM, iyagoo raali ka ah dhibaatada beeshooda ku hayso dad-ka degan gobolka Sh/hoose iyagoo hada u xuub siibtay ururka Al-shabaabka si aay u gaaraan hadafkooda halku-dhigiisu yahay ku qabsoo ku qadi meysid balse waa arin daciifnimo ah in la laayo nabadoonada iyo culimada qaabkaasna kuma gaarayaan hanaankii dhicisoobay.

Madaxweyne Xassan Sh. Maxamud ayaa talada uu C/qaasin siiyey waxaa ka mid ah in reer jubooyinka iyo gedo laga hor istaago ineey maamul sameystaan si taas la mid ahna reer Sh/hoose laga hor is taago ineey gobolkooda maamushaan maadaama beelaha dego aaysan u dhaxeynin wax qilaaf ah, hadii aay sadexdaan gobol ee isku xiran nabad noqdaan oo dadka deeganadaas maamul iyaga ah sameystaan waxaa dhaceyso in aan luminayno fursada M/weynenimo ee dalka ama sadexda jago ee u sareysa midna aan heli doonin maadaama beelaha kale sida Dirta Koonfureed gor gortanka wax kasoo geli doonaan, iyadoo aan hada ku aamusiino dhulkiina waa la haystaa iyo awoodii Direed waa waqooyi waxayna ku hayaan dowlad gaar ah ayaanu nahay marka waxaas iyo wax kaloo fara badan ayaa nagu soo bixi doono hadii aan dadkaan ka yeelno ineey nabad dhaliyaan maadaama aan anaga ku caan baxnay qarandiid iyo inaan beelaha kale ee nabada jecel ka hortaaganahay dowladnimada iyo hanaanka cadaaladeed.

Shacabka jubooyinka ha midoobaan horeyna ha ooga socdaan qas wadayaasha aan tagi Karin gobolada aay xilibaanka u yihiin iyo magaalooyinka aay u dhasheen sidoo kale inta harsana maamulo la mid kan kismayo kasoo ifayo ha sameystaan hana ka faa’iideystaan fursada dastuurka cusub iyo hanaanka ismaamul goboleedka
hadii taladaas aay ka daahaana waxaa hubaal ah in aay maji xaabin doonaan beelaha nabadda diidan oo si dadban u maamulo dowlada madaxweynaha ka yahay Xassan Culusoow.


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: Bing [Bot] and 20 guests