Xuseen Cabdi Muumin Guddoomiye ku xigeenkii dhaqanka ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay isbadal wayn in lagu sameyay Maamulka gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, kadib markii sida uu sheegay ay codsadeen odayaasha dhaqanku in isbadal lagu sameeyo Maamulka gobolkaasi.
Riix Halkan si aad udhagaysato Waraysiga
Mid kamid ah Beelaha daga Hiiraan ayaa sheegtay in aysan ku qanacsanayn Maamulka Cusub ee dowladdu magacowday, wuxuna sheegay arintaasi in lagu mashquulsanyahay isla mar ahaantaana Maanta la filayo inay la kulmaan Madaxda dowladda.
Inta badan Siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka Hiiraan ayaa si kulul u Cambaareeyay isbadalka ay dowladddu ku samaynayso gobolada dalka gaar ahaan Magaalada Hiiraan, waxaana ay xuseen dowladdu awood inaysan u lahayn gacanteeda inay ku samayso Mamul ay iyadu ku qanacsantahay.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa horay Maamulo ugu magacowday deegaano iyo degmooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolada dalka Soomaaliya, kuwaasoo ay intooda badan ka shasheen is qab qabsi.



