
Adis-ababa (Ramaas) Apr.10, 2913 - Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Weftigii uu hogaaminayay
ayaa la Kulmay Wasiirka Arrimaha Afrika u qaabilsan Wadanka Ingiriiska, kaas oo ka dhacay Magaalada Addis ababa ee Wadanka Itoobiya.
Madaxweynaha Somaliland iyo xubno ka mid ah weftigii uu hogaaminayay ayaa kulan kula yeeshay magaalada Addisababa Wasiirka Arrimaha Afrika
u qaabilsan dalka Inigiriiska Mr. Mark Simmonds waxaaanay ka wada hadleen sii xoojinta xidhiidhka labada dal.
Mar uu Wasiirku ka waramay xidhiihdka taariikhiga ah ee labada dal ka dhexeeya, waxaanu Somaliland u soo bandhigay in Somaliland ka soo qayb gasho shirka
arrimaha Soomaaliya ee May lagu qaban doono dalka Ingriiska.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa dhankiisa sheegay in aanu dalkiisa khusaynin shirka London, waxaanu tilmaamay in tallo qaran oo Somaliland ka yeelatay shirkaasi
ka dib ay u soo baxday inaanay meeli uga banaanayn Somaliland shirka Ingiriiska lagu qabanayo.
Dhanka kalena waxa ay labada dhinac ka wada hadleen xoojinta labada dal isagoo madaxweynuhu uga mahad-celiyay taageerada balaadhan ee Ingiriisku siiyaan
Somaliland Waxaana ku weheliyay kullankan Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Wasiirka madaxtooyada iyo masuuliyiinta safaarada Ingiriiska ee Addis Abbaba.
Ramaasnews Desk
Hargeisa
http://www.ramaasnews.com/index.php/New ... iiska.html








