Siyaasiyiin kasoo horjeeda dhismaha Jubbaland oo sheegay in loo diiday inay galaan Kenya,lagana soo celiyay garoonka Jommo kenyatta
Siyaasiyiin uu kamid yahay Cabdiqaadir Lugadheere ayaa sheegay in loo diiday in gudaha ugalaan dalka Kenya lagana soo celiyay garoonka diyaaradaha ee Jommo kenyatta Airport.Cabdiqaadiro Luga dheere iyo oday kale oo magaciisa lagu sheegay Axmed Xasan ayaa markii lagu celiyay Muqdisho saxaafada la hadlay waxayna sheegeen in loo sheegay in Kenya aysan ogolayn in shir looga soo horjeedo dhismaha Jubbaland lagu qabto dalkeeda sidaa darteedna ay dib ugu noqdaan Muqdisho.
Labadan masuul ayaa sheegay in ujeedada ay Nairobi ugu socdeen ay ahayd inay Beesha caalamka ay kala hadlaan arimaha Jubooyinka, waxayna qireen inay kasoo horjeedaan shirka kasocda Kismaayo.
Hoos ka dhagyso siyaasiyiintan Nairobi laga soo celiyay oo ka warbixinaya waxyaabihii ay la kulmeen



Kenya is starting a fire with the clans.