Ciidamada Itoobiya Oo Maanta Masjid Ku Yaala Baledweyn Ku Dilay Dad & Faafaahino Dheeraad ah Oo Kasoo Baxaya
Published on April 12, 2013 by Abdilaahi Qorshe · No Comments
Waxaa maanta ay magaalada Beledweyne ee xarunta Gobollka Hiiraan ay ciidamada dowlada Itoobiya ku dileen hal ruux oo ka tirsanaa maamulkii hore Gobollka Hiiraan, waxeyna dhaawac u geysteen sadax ruux oo rayd ahaa ee ku sugnaa masaajidka Carabta ee Magaalada.
Waxaana ay ku dileen afafka hore ee Masaajidka ku yaalla Bartamaha magaalada Beledweyne oo markii hore loo yaqaanay masaajidka carabta, laakiin waayadaan dambe loo yaqaano masaajidka dabaqeynka ee magaalada Beledweyne, iyaddoo la sheegay in loo dilay sabab la xiriira inuu wareysi siiyay warbaahinta.
Waxaana lagu magacaabaa marxuunkaan allaha u naxariistee Cabdi Gubte, waxaana wali ka hadlin maamulka cusub ee Gobollka Hiiraan ee u hogaaminaya Cabdi Faarax Laqanyo iyo saraakiisha dowlada Jabouti ee ku sugan wali kama aysan hadlin falkaani ka dhacay magaalada.
Si kastaba ha yeeshee xaalka magaalada Beledweyne ayaa waxaa uu yahay haatan mid cabsi leh oo ay meel wali ba gaaf wareegayaan ciidamada maamulka iyo kuwa Amisom, waxii war ah ee ka soo baxa lasoco warrakeena dambe Insha Allah.
In the middle of the mosque they killed the marxuum for speaking out against xabashi occupation. May Allah bless him.





