Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Maxaad ka taqaanaa 21-ka Isbaaro ee taala Gobolka Shabeelada

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
The_Patriot
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20702
Joined: Wed Jun 28, 2006 9:39 am

Maxaad ka taqaanaa 21-ka Isbaaro ee taala Gobolka Shabeelada

Postby The_Patriot » Mon Apr 15, 2013 3:01 pm

Maxaad ka taqaanaa 21-ka Isbaaro ee taala Gobolka Shabeelada Hoose, Halka ay yaalaan iyo Magacyada cida iska leh ee ay lacagta ka soo gasho?Waxaa wax aad looga naxo ah in xilligan oo ay Dowlad federal ah ay ka jirto Dalka Soomaliyeed, oo ragga hogaaminayo lagu xanto in ay aqoon leeyihiin, aysana ka qeyb qaaday Dagaaladii ka dhacay Soomaliya ay maanta madaxda Dowladda eeganayaan dhibaatada xun ee lagu hayo Shacabka Gobolka Shabellada Hoose.

Madaxda Dowladda waxa ay eeganayaan qaar ka mid ah masúuliyiinta Dowladda oo ay isbaarooyin gaaraya ilaa iyo 21 ay u taalo Dhamaan degmooyinka laga xureeyay Al-shabab ee Gobolka Shabellada Hoose, oo ay lacago baad ah kaga qaadanayaan dadka rayidka ah.

Haddaba, Isbaaroyiinka yaala Gobolka Shebellada Hoose iyo magacyada shakhsiyaadka ay lacagta ka soo gasho ayaa kala ah:

1- Isgoyska Ceelasha Biyaha(Waa deegaanka Barakayaashii Muqdisho) waxay u taalaa Gudoomiyaha Lafoole C/laahi Jabeey Habargidir CEYR ah.

2-Siinka dheer waxaa yaalo labo isbaaro waxayna u yaalaan JENERAL Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaanle) oo horay u ahaa taliyihii maleeshiyada Dooxada Juba(Walaalaha Galgaduud)ee madaxda ka ahaa Qabqable Bare Hiiraale waana nin CEYR ah haatana waa taliyaha Guutada 3-aad ee ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed.

3-Meel aan ka fogayn oo 100 Mitir kaliya u jirtana waxaa Isbaara u taal maleeshiyo beeleed ka amar qaata Sh.C/qaadir Cali Cumar waa Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha waana H/gidir Saleebaan.

4-Al-Nasri 3 waxaa yaala 5 isbaaro oo isku jira min 20 Mitir.

5-Irida hore ee Jaamacadii Lafoole waxay u taal maleeshiyo ku heyb ah Madaxweyne Xasan Shiikh waana meesha loo yaqaan Shanta Golaha sare.

6-Carbiska waxay u taalaa Milateriga dowlada oo ku heyb ah Madaxweyne Xasan Shiikh waana tan ugu waxyeelada badan dhanka shacabka.

7- Baar-Ismaaciil waxay u taalaa Milateriga dowlada waxayna ka amar qaataan sarkaal lagu magacaabo Hurdaaye oo Madaxweynaha ku beel ah.

8-Laanta Buuro waxay u taal Milateriga dowlada beel ahaana waa Abgaal.

9-Number 50 waxay u taalaa Gudoomiyaha degmada Number 50 C/laahi Waafow oo beesha Biimaal kasoo jeeda.

10-Shalanbood waxay u taalaa Maleeshiyo Beeleed isku dhaf ah (Habargidir iyo Gare)waxayna si toos ah ugu xiran yihiin Gudoomiyaha Gobalka Shabeelaha hoose C/qaadir Siidii.

11-Isbaarada Buufow(Degmada Marka) waxay u taalaa Milateriga dowlada ninka lagu magacaabo Liibaan Madaxweyne & C/qaadir Siidii Gudoomiyaha Gobalka Shabeelaha hoose .

12-Ceeljaale(Degmada Marka) waxay u taal Milateriga dowlada.

13- Janaale waa Isbaarada ugu Dakhliga badan isbaarooyinka waxaana shirko ku ah C/qaadir Siidii Gudoomiyaha Gobalka Shabeelaha hoose iyo Jeneral Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaanle) oo uu wakiil uga yahay wiil uu adeer u yahay oo lagu magacaabo Liibaan Madaxweyne oo kuna dhaawacmey dagaalkii Marko, hada kumeel gaar ahaan waxaa u jooga sarkaal lagu magacaabo INA CEELBUUR.

14-Cabdow Dibile isbaaradaaan waa tan ugu dambeysay oo la soo dhigay waxayna u taalaa Milateriga dowlada ku heyb ah Madaxweyne Xasan Shiikh.

15-Aw-dheegle waxaa isbaaro ay u taalaa C/qaadir Siidii Gudoomiyaha Gobalka Shabeelaha hoose & Ciidankii laga soo wareejiyey Marko, waxaana shirko ku ah sida tan Janaale oo kale Gudoomiyaha Gobalka C/qaadir Siidii & Jeneral Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaanle) Taliyaha Guutada 3-aad ee ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed Ex-hogaamiye maleeshiyada beesha Cayr.

16-Mokeyga Afgooye waxaa Isbaara u taalaa Cabdi Ileys oo ah Gudoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Degmada Afgooye waana Murusade.

17- Tixsiile waxay u taal Sarkaal maleeshiyo oo lagu magacaabo Maxamed Raage Dhiilow oo kuheyb ah Madaxweyne Xasan Shiikh.

18-Warmaxan waxay u Taalaa Jeneral Cali Ciise Caraaye(Gacmodulle),waxaana wakiil u ah sarkaal uu adeer u yahay lagu magacaabo (FOR-FOR) waa Abgaal.

19- Wanla-weyn waxay u taalaa Sarkaal lagu magacaabo Cumar Cali Cadow oo wakiil ka ah Sarkaal lagu magacaabo Muuse Gurre oo xiligii WARLORDka ahaa Ninkii heysan jirey Boondheere & Shibis.

20- Yaaqbiri-weyne waxay u taalaa isbaaro nin uu Tuuladaas u magacaabey Gudoomiyaha Gobalka Sh/hoose C/qaadir Siidii taasoo uu isna Shirko kula yahay.

21. Leego isbaaradaan waa Shirko Saddex geesood ah, waxaana shirko ku ah Gudoomiyaha Gobalka Shabeelaha hoose C/qaadir Siidii, Milateriga dowlada & Gudoomiyaha Tuulada uu u magacaabey C/qaadir Siidii oo lagu magacaabo Abuukar Leego.

Inkasta oo ay Isbaarooyinku intaan ka badnaayeen ayaa hadana kuwani waxaan u soo qaatay inay ahaayeen kuwo in la sheego u baahan hadaba Shabeelaha hoose 21 Sano kadib 21 Isbaaro in la dhigto qaybaha yar ee gobolka ee laga saaray Shabaab ma waanay taasi daliil u ahayn in gobolku uu markale u baahan yahay dib u xorayn?.

Mise xaalku waa Soomaalidu ma xishootee wey baqdaa si ay kuu nabadgelisana sharta uga hormar!.

Waxaa kaloo iyana jirta oo in la iftiimiyo u baahan Xildhibaanada kasoo jeeda gobolka Shabeelaha hoose oo aan marnaba ka hadlin dhibta lagu hayo shacabka ay metelaan ee ku nool gobolka Shabeelaha hoose iyadoo aan la ogeyn sababta keentey in ay marqaati kaliya ka noqdaan dhibta lagu hayo dadka ay matalaan.

Waxaa kaloo u baahan in la xuso in ummada Soomaaliyeed maanta ku heshiisey nidaamka Federalka taasoo micnaheedu yahay in deegaan kasta dadka ku nool ay ayagu ka tashadaan kana shaqeeyaan aayahooda mar kale waa iga su’aale sida ay aayahooda uga tashan karaan dad Ciidankii difaaci lahaa Diiranaaya?

Abdiaziz ShSalah
Wadajirradio Atlanta.
Source

original dervish
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 25212
Joined: Mon Aug 22, 2005 5:08 pm

Re: Maxaad ka taqaanaa 21-ka Isbaaro ee taala Gobolka Shabee

Postby original dervish » Mon Apr 15, 2013 3:24 pm

This all sanctioned by the socalled Govt.
Abdulqasim carried out the same policy during his term, i.e arm and finance his Ceyr subclan.

Hassan Sheikh is a H/G stooge.
The empowerment of H/G after being defeated will set the stage for Abgaal H/G clashes in the future.

User avatar
Zizzz
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 332
Joined: Sat Oct 01, 2011 12:06 pm
Location: In a cave, in Cavelandia.

Re: Maxaad ka taqaanaa 21-ka Isbaaro ee taala Gobolka Shabee

Postby Zizzz » Mon Apr 15, 2013 3:50 pm

^^Hehe so Ceyr is the Rothschild family of Somalia? My brother OD caadi iska dhig. Wal walka iyo walbahaarka HG kaa heyso waa unfounded. Faqishini Laascaanood ma idinla dagaan bro?

Much love my khaatumo brethren :heart:

original dervish
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 25212
Joined: Mon Aug 22, 2005 5:08 pm

Re: Maxaad ka taqaanaa 21-ka Isbaaro ee taala Gobolka Shabee

Postby original dervish » Mon Apr 15, 2013 3:59 pm

Bruv....Caydiid...Abdulqasim......ICU......Hassan Sheikh.

User avatar
FarhanYare
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 17370
Joined: Fri Jun 17, 2011 10:06 pm
Location: Location:Location

Re: Maxaad ka taqaanaa 21-ka Isbaaro ee taala Gobolka Shabee

Postby FarhanYare » Mon Apr 15, 2013 4:03 pm

:down:

User avatar
Zizzz
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 332
Joined: Sat Oct 01, 2011 12:06 pm
Location: In a cave, in Cavelandia.

Re: Maxaad ka taqaanaa 21-ka Isbaaro ee taala Gobolka Shabee

Postby Zizzz » Mon Apr 15, 2013 4:38 pm

Caydiid= Sacad

Abdiqasim=Lambar afar :clap: Ethiopia apposing him etc.

ICU= Was a a product of the people. Wadaads being sold left and right to the highest bidder and to further add insult to injury the warlords who stole our freedom funded by Amurica starded the Alliance for the Restoration of Peace( :lol: ) and Counter-Terrorism. The only fault of theirs was Indhocadde.


Xassan Shiekh= the first Somali president in 22 years with world wide recognition and support. Never left the country, always helped the poor and then there is Simad. His history is enough evidence for anyone who hasn't a poisened heart my Khaatumo brethren :rose:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: Waachis and 17 guests