Page 1 of 1

Kista mamuul refutes Barre Bootin Dheere troop claims

Posted: Sun Apr 28, 2013 12:07 pm
by Siciid85
The earlier topic was ruined by that emotional kid made MOD(hyperactive).


Maamulka Kismaayo oo beeniyey in Barre Hiiraale uu ciidan la galay Kismaayo

Kismaayo(RBC Radio) Taliska amniga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose ayaa beeniyey in Barre Aadan Shire Hiiraale uu ciidan
hubeysan la galay gudaha magaalada Kismaayo Maxamuud Qaalib taliyaha amniga maamulka kumeelgaarka ah ee ka arimiya magaalada Kismaayo
ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in Barre Hiiraale uu ciidan la galay magaalada Kismaayo.
Wuxuuna beeniyey wararka sheegaya in magaalada Kismaayo ay isku horfadhiyaan ciidan uu hogaaminayo Barre Hiiraale iyo ciidanka amniga maamulka
kumeelgaarka ah ee magaalada Kismaayo,Maxamuud Qaalib ayaa sheegay in Barre Hiiraale uusan wadan Ciidan hubeysan markii uu gudaha u galay
magaalada Kismaayo.Taliyaha amniga Kismaayo Qaalib ayaa sheegay in Barre Hiiraale ay wehlinayeen markii uu gaaray magaalada Kismaayo 2 askari oo
ilaaladiisa gaarka ah ah sida uu tilmaamay,wuxuuna meesha ka saaray in magaalada ay ku sugan yihiin ciidan ka amar qaata Barre Hiiraale.

Magaalada Kismaayo oo uu dhawaantan gaaray Barre Aadan shire Barre Hiiraale ayaa waxaa kasoo baxayey warar kala duwan oo ku saabsan tagida Barre
ee Kismaayo iyo ujeedooyinka ka danbeeya,walow uu isagu sheegay inuusan Kismaayo u tagin hurinta colaad ka dhacda magaaladaas.



RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho
http://www.raxanreeb.com/2013/04/maamul ... -kismaayo/
Huraale sneaking into Kismaayo
Image

Re: Kista Admin refutes Barre Bootin Dheere army claims

Posted: Sun Apr 28, 2013 12:08 pm
by Hyperactive
i moved to caln talk secion. cary on there. any more this topic you will be banned!

carry on your clan talk my friends. therei s section for it to hide your sickness.