Ciidamada Puntland oo gadooday ayaa isaga soo baxay aagagii Buuraleyda Galgala ee duleedka Boosaaso
Posted on May 8 2013 - 6:20pm by Master
« PREVIOUS |
Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in Ciidamada Puntland, gaar ahaan kuwa daraawiishta oo soo gadooday ay la wareegeen Dekeda Boosaaso iyo Bankiga, iyagoo soo faarujiyay aagagii buuraleyda Galgala.
Sida ay sheegayaan wararka Ciidamadan ayaa ka gadoodsan mushaar la’aan muddo ku dhow todobo bilood heysata, waxaana caawa lagu arkay, iyagoo raxan raxan u socda xaafadaha magaalada Boosaaso.
Dadka ku nool Boosaaso ayaa qal qal iyo cabsi ka muujiyay ciidamadan gudaha soo galay, isla markaana soo baneeyay aagagii dagaalka ee buuraleyda Galgala, halkaasoo dagaalyahanada Shabaab ay kula dagaalamayeen.
Dhaq dhaqaaqyo ciidan ayaa laga soo sheegayaa duleedka magaalada Boosaaso, iyadoo ay taagan tahay cabsi ah in Al-Shabaab ay soo kululaalaan magaalada, mar hadii aagagii difaaca aanay jirin cid ku sugan oo gebi ahaanba la soo faarujiyay.
Gadoodkan ay sameeyeen ciidamadan ayaa ku soo beegmaya, iyadoo horay u jireen dhaliilo loo jeedinayay Maamulka Faroole oo ku aadanaa habka uu wax u maamulo iyo awoodaha xilligan uu isku koobay.




god is just, sida kismaayo qaswadayaal ku wada shirayn, karma is a bitch 