Page 1 of 1

Ahmed Madoobe, Xaglo-toosiye to get Minister post

Posted: Sat May 11, 2013 3:31 pm
by SecretAgent
Warar laga helayo ilo ku dhawdhaw xafiiska Ra’iisul wasaare Saacid Farax Garaad iyo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegaya in wasiirada cusub ee lagu soo dari doono xukuumada ay ka mid noqon doonaan rag miisaan siyaasadeed ku leh gobollad Jubbooyinka, Puntland iyo Somaliland.

Axmed Madoobe oo ah hogaamiyaha maamulka ku meelgaar ah ee Jubbooyinka ayaa waxaa la sheegay inuu liiska qeybta koowaad uga jiro xukuumada cusub ee uu dhawaan soo dhisi doono Ra’iisul Wasaare Saacid. Waxaana loo badinayaa inuu xilka wasiirka cadaalada iyo awqaafta loo magacaabi doono. iyaddo uu booska ka saarayo Wasiirka warfaafinta Dowlada Soomaaliya Cabdilaahi Cilmooge, maadaama ay hal beel kasoo wada jeedaan.

Ujeedka Axmed Madoobe loogu soo darayo xukuumaddan cusub ayaa waxaa lagu sheegay sidii loo burburin lahaa shirka ka socda magaalada Kismaayo oo uu iminka wax ka hogaaminayo,iyaddoo iminka guuxweyn uu ka dhex jiro magaalada Kismaayo.

Kulamadii ugu danbeeyey ee looga arrinsanayey arrimaha Jubooyinka ayaa waxaa soo xaadirin Axmed Madoobe, taasi oo loo macneeyey inay tahay han siyaasadeed uu ka leeyahay xukuumadda iyo is afgaradka uu ku helayo wasiirka. Laakiin lama oga inay madaxda kale ee shirka Kismaayo wado inay haddii warkan cadeeyo u joojin doonaan shirkaasi isaga dartiis iyo inay sii wadan doonaan maamul u sameynta Jubbooyinka iyo Gedo

Guddoomiyaha xisbiga Midnimo Eng, Saadiq Eenow oo ka mid ah raga ugu cadcad ololaha doorashooyinka Puntland iyo xisbiyada ka hanaqaaday ayaa waxaa isagana magaalada Muqdisho loogu hadalheyn badan yahay.

Eng, Saadiq Eenow ayaa waxaa la sheegay inuu liiska wasiirada cusub uga jiro kaalinta labaad ee xubnaha beelaha Daarood ka iman doona, waxaana uu badeli doonaa wasiirka maaliyada ee xukuumada hadda jirta.

Ujeedka Eng, Eenow wasiirada cusub loogu soo darayo ayaa lagu sheegay sidii loo kala dhantaali lahaa doorashada la filayo inay ka dhacdo Puntland iyo in la helo xisbi awood leh oo la loolama awooda xisbiga Dr, Abdirahmaan Faroole.

http://kismaayo24.com/

Re: Ahmed Madoobe, Xaglo-toosiye to get Minister post

Posted: Sat May 11, 2013 5:41 pm
by metamorphosis
:lol: who the hell settles for a mere mp positon when he is the president of the the most resourceful land in somalia?