LAF TIMIR BAA KU JIRTO
Isku darka labada Shirkadood ee xidhiidhka ( Telsom Iyo Hormood ) Muxuu hor dhac u yahay ama Tusaale looga qaadan karaa ?, Miyaa se Lagu Khasbanaa In ( AREA CODE ) keenii loo badalo Shirkad Ka Madax Banaan Dalkeena Kana Diwaan gashan Wadan kale, Iyadoo loo kala taagan yahay LABA DAL, oo kala madax banaan.
Number-ada lagu daray oo kala ah ( 63 ) halkii markii hore marka wadanka dibada lagala soo hadlayo loo garaaci jiray Sidan ( 00 2522 44 .........) ayaa imika waxa loo badalay ( 00252 63 44 ), Ta kale ee iyaduna shakigeeda leh ayaa waxay tahay in xagga Somaliland AREA CODE-keeda laga dhigay ( 63 ) Ay XAMAR ama SOMALIYA tahay ( 61 ) PUNTLAND-na tahay ( 62 ) Halkaa waxa kaaga soo baxaysa in aynu malaha qiyaastii nahay, Magaalo Madaxda Sadexaad ee SOMALIYA, ku sheegta.
Mahad Sanidin. By KHALID ALI.



