Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

The G8's "New Deal" for Somalia put into effect

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
The`Republic
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4133
Joined: Tue Aug 14, 2007 6:28 pm

The G8's "New Deal" for Somalia put into effect

Postby The`Republic » Tue May 14, 2013 6:08 pm

The G8 group of nations "New Deal" for Somalia's reconstruction and restoration was signed today by the Prime Minister and the Minister of Finance with representatives and envoys from the G8 group of nations
Ra’iisul Wasaare Saacid oo ka qayb galay Munaasibad Looga hadlayay hirgalinta heshiis cusub

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa maanta ka hadlay muhiimada midaynta gargaarka deeq-bixiyeyaasha ee loo yaqaan ‘New Deal Process’. Munaasabdan oo lagu maamusay bilowga qorshahaan cusub ayaa ka dhacday Muqdisho, waxaana ka soo qeyb galay xubno ka tirsan labada golle ee dawladda, diplomasiyiin, masuuliyiin ka socda Midowga Yurub, Qaramada Midoobay iyo Midowga Africa.

Qorshahan cusub ayaa waxaa dajiyay deeq-bixiyeyaasha gaar ahaan wadamada ku bahoobay g7+ waxaana loogu talagalay in lagu caawiyo 19 wadan oo ay colaado ragaadiyeen. Waa qorshe midaynaya dawlaadda Soomaaliya, ururada bulshada iyo deeq-bixiyeyaasha si loo daboole baahida mucaawino ee dalka Soomaaliya. Waa qorshe lagu doonayo in kor loogu qaado waxtarka deeqaha caalamku siiyo wadamada ka soo kabanaya dagaalada.

“Waxaan diyaar u nahay inaan deeq-bixiyeyaasha caalamka kala shaqayno qorshahan oo noo ogolaanaya inaan sheegano baahideena rasmiga ah iyo qaabka aan u doonayno in gacan nalooga siiyo,” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha oo ka hadlay furitaankii munaasabadan lagu maamuusayay bilowga qorsha “New Deal”.

Wasiirka Maaliyada iyo Qorsheynta Qaranka mudane Maxamed Xasan Suleymaan oo munaasabadan ka hadlay ayaa isna sheegay in ugu horeyn dawladdu daraaseyn rasmi ah ku samaynayso xaalada dalka iyo colaadaha. Asagoo intaas ku daray in daraasada kadib Soomaaliya ay deeq-bixiyeyaasha u gudbisan doonto baahideeda ayna la gali doonto heshiis is afgarad ku aadan qaabka loo daboolayo baahida Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay baahida ay Soomaaliya u qabto in taakulada caalamka. Waxaase uu sheegay inay lagama maar-maan tahay in nooca gar-gaar uu noqdo mid dawladda iyo shacbiga Soomaaliyeed lagala tashado si uu wax-tar u yeesho. Asagoo dhanka kalana xusay inay lamaga maar-maan tahay in deeq-bixiye yaashu mideeyaan hawlahooda iyo wax-qabadkooda ku aadan Soomaaliya.

“Shaki kuma jiro in aan u baahanahay in caalamku gacan naga siiyo sidaan uga soo kaban lahayn colaadaha dalka ragaadiyay, aana u hiigsan lahayn horumar, bulshadeenana u daryeeli lahayn. Sidaas daraadeed, waxaan doonaynaa inaan heshiis is afgarad la gaarno deeq-bixiyayaasha doonaya inay na garab istaagaa, si taageeradoodu u noqoto mid wax tar leh. Waa inaan isku afgarno meelaha noogu muhiimsan ee aan kaalmadooda uga baahanahay, qaabka aan ugu baahanahay iyo waqti ay macquul tahay in laga guul-gaaro hawshaas,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu.

Ugu dambayntii, aad ayaay u soo dhaweeyeen qorshaha dawladda dhamaan deeq-bixiyeyaashii ka soo qeyb-galan munaasabada maanta. Waxaana si rasmi ah loo gudo galay qeyntii kowaad ee fulinta qorshahan “New Deal” ee ku aadanayd daraasada xaalada dalka iyo colaadaha oo ay ka wada shaqaynayaa dhawladda Soomaaliya, ururada bulshada rayidka ah iyo wadamada deeq-bixiyeyaasha ah.
Image
Image
Image
Image
Image

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: kaliil and 31 guests