Kismaayo (Sh.M.Network) Barre Aadan Shire ( Barre Hiiraale ) oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Maanta Loo Doortay Madaxweynaha Jubbaland.
Barre Hiraale ayaa Tilmaamay In Shir ay ka qeyb Galeen 600 oo Ergo Maanta Loogu doortay Madaxweynaha Saxda ah ee Maamulka Jubbaland.
Siyaasiga Barre Hiiraale ayaa sheegay in aanu diyaar u ahayn Dagaal ee Wada hadal uu ugu Baaqayo Cid kasta oo ay ka go’do talada Jubbooyinka Xittaa Axmed Max’ed Islaam ( Axmed Madoobe) oo ah Hogaamiyaha Raaskaambooni islamarkaana Shirka Ka soconaya Jaamacadda kismaayo Loogu doortay isna Madaxweynaha Jubbaland.
Muddooyinkii dambe ayaa Magaalada Kismaayo waxaa Ku sii qul qulayay Waxgarad iyo Siyaasiyiin Ka soo Jeeda Gobollada Jubbooyinka kuwaasi oo taageersan Siyaasiga Rug Cadaaga ah ee Barre Aadan Shire ( Barre Hiiraale) islamarkaana Maal mihii dambe Magaalada Kismaayo kulahaa kulan ay uga wada tashanayaan aayaha Gobollada Jubbooyinka iyo Maamul Shacabka Rabitaankiisu uu yahay oo loo sameeyo Gobollada Jubbooyinka iyagoona ugu dambeyn Maanta Barre Hiiraale u doortay Madaxweynaha Jubbaland.
Sikastaba Barre Hiiraale ayaa Wasiirkii Gaashaandhiga ka soo Noqday Xukuumadda Cali Max’ed Geedi ee KMG ahayd Isagoo ahaa Guddoomiyihii Isbeheysiga Dooxada Jubbooyinka oo in badan ka soo shaqeeyay Gobollada Jubbooyinka.
http://shabelle.net/barre-hiiraale-waxa ... jubbaland/





