Dhagayso:- Banaanbax Balaaran oo lagu Taageerayo Coll Barre Hiiraale oo Maanta ka dhacay Gedo
Iyadoo uu shaaciyay maalintii shalay ahayd in Kismaayo lagu doortay Coll barre Hiiraale, ayaa waxaa maanta ka dhacay degmooyin ka tirsan gobolka Gedo Banaanbax balaaran oo lagu taageerayay Doorashada Coll Barre Hiiraale.
Guddoomiyaha degmada Garbahaareey Iimaan Cadoow Kaarshe ayaa u sheegay Saadaal Media in maanta ay ka dhaceen Banaanbaxyo degmooyinka Luuq iyo Ceel-waaq lagu taageerayay Barre Hiiraale, waxaana uu xusay maalinta bari ah inay ka dhici doonaan degmooyinka kale ee gedo Banaanbaxyo lamid ah kuwii maanta.
Waxaa uu xusay Barre Hiiraale inay taageersanyihiin isla markaana ay u aqoonsanyihiin madaxwaynaha Maamulka Jubbaland State, waxaana uu hoosta ka xariiqay in ay wax badan ka filanayaan inuu qaban doono Barre,
Sidoo kale ayuu sheegay Iiman Cadoow Dowladda Soomaaliya xiriir wanaagsan inuu la leeyahay Coll Barre Isla markaana ay taageeri fiican siin doonto.
Dhinaca kale waxaa uu tibaaxay Iimaan Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo isna la sheegay in lagu doortay Kismaayo, nin ka tirsan Xoggaga Al-shabaab.
http://saadaalnews.com/2013/05/16/dhaga ... acay-gedo/



