Saraakiisha Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ayaa markii ugu horreeyya ka hadlay mowqifkooda ku aadan maamullada iska soo horjeeda ee looga dhawaaqay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.
Afhayeenka ciidamada AMISOM, Col. Cali Aden Xumad oo la hadlay VOA ayaa sheegay in AMISOM mowqifkoodu yahay inay taageerto hadba aragtida siyaasadeed ee dowladda federaalka ka qaadato arrimaha Soomaaliya.
Wuxuu kaloo sheegay inay si dhow isha ugu hayaan arrimaha ka taagan Kismaayo oo haddii ay dhacdo in dhibaato halkaasi ka dhalato ay ciidanka AMISOM diyaar u yihiin inay dhex-gasho si khilifaaka loo joojiyo.
Ugu dambeen afhayeenka AMISOM ayaa sheegay in marnama shaqada AMISOM aysan ahayn in ay dhinac taageerto marka laga hadlaayo siyaasadda Soomaaliya wuxuuna intaas ku daray AMISOM howsha ay ka hayso Soomaaliya uu kaliye yahay siddii ay taageeri lahayd nabadgalyada.
Other news
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhalay arimo badan oo ku saabsan Jubooyinka iyo Gedo, iyo maamulka Jubaland ee Madaxweynayaasha badan loo sameyay.
Xasan Sheekh ayaa ugu horeyntii ka digay in dagaal iyo wax lamid ah ay ka dhacaan magaalada Kismaayo, wuxuuna sheegay in dhamaan xubnaha ku sugan Kismaayo laga doonaayo nabadda inay ka shaqeeyaan.
“Kismaayo waan ka digeynaa inay ka dhacaan gacan ka hadlay, ciidamada dowladda Soomaaliya, qeyb kama noqon doonaan carqaladda ka taagan Kismaayo”
Madaxweynaha ayaa dhanka kale sheegay in waxa dhacaaya ay yihiin wixii ay horay uga digi jireen, waxaana uu tibaaxay in weli xal la gaari karo.
“Annaga waxaan ka baqeynay waxay ahaayeen waxa hadda ka taaga Kismaayo oo maalin walba hogaan cusub lagu dhawaaqaayo, weli daba qabad ayeey leedahay, waana in wax walba hadda la sameeyaa”





