Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Alshabaab: Aweys & Co are fitnawadayaal murtaddiin

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Alshabaab: Aweys & Co are fitnawadayaal murtaddiin

Postby AhlulbaytSoldier » Sun May 19, 2013 1:37 pm

Muslimiinta Oo Looga Digayo Dabinta Dhagar-wadayaasha,Bayaan Kasoo baxay Al-Kata'ib.

Written by Maamul on 19 May 2013.

somalimemo.netBayaan kasoo baxay Mu’assasada Al-Kata’ib oo ah garabka warbaahineed ee Xarakada Al-Shabaab Al Mujahideen oo nuqul ka mid ah lasoo gaarsiiyay Shabakada wararka ee SomaliMeMo ayaa markii ugu horreysay looga hadlay qoraallo dhowr ah oo maalmihii lasoo dhaafay mareegaha qaarkood lagusoo daabacayay kuwaasi oo lagu sheegayay in Jihaadka Soomaaliya uu burbur halis ugu jiro sababo ku aadan dhibaatooyin ka taagan gudaha safka Mujaahidiinta.

Bayaankan oo oo ku qoran Luqada Carabiga cinwaana looga dhigay “Muslimiinta oo looga digayo dabinta Dhagar-wadayaasha” ayaa lagu xusay ugu horeyn sunnada ALLAH iney tahay imtixaanada iyo kala sooca ka dhex dhaca Mu’miniinta, islamarkaana qofka u fiirsada masiirada Jihaadka Umadda uu arkayo caqabado badan, lug-gooyooyin, dabinno iyo shirqoollo loo maleegay, kuwaas oo dhamaantood halis gelin lahaa habsami usocodka Jihaadka haddii aan la helin dad buuxiya thaqriga Iclaamka oo Umadda u sheega Xaqiiiqada jirta.

Dhawaanahan ayuu xusay Bayaanku in gudaha Mujaahidinta ay ka soo baxeen kooxo ujeedkoodu tahay iney kala dhantaallaan safka Muslimiinta iyo kan Mujaahidiinta, kuwaas oo meel kaga dhacay hogaanka Jihaadka iyagoo tuhmaya xilkasnimada madaxda, siyaasaddooda iyo xittaa Islaamnimadooda iyo Jihaadkooda.

“Muddooyinkii u danbeeyay waxaa aragnay codka qaar ka mid ah fitnawadayaasha oo sare u soo baxay, kuwaas oo Umadda khilaaf kala dhex dhigaya si midnimadoodii loo waayo, oo meesha uu ka baxo Jamacii iyo Jamaacadii, inagoo og in diinteedu ay reebtay kala tagga iyo furqada.

ALLAH Cazza Wajalla wuxuu yiri:

وَأَطِيعُوا اللَّهَ وَرَسُولَهُ وَلَا تَنَازَعُوا فَتَفْشَلُوا وَتَذْهَبَ رِيحُكُمْ وَاصْبِرُوا إِنَّ اللَّهَ مَعَ الصَّابِرِينَ (46) ﴾، الأنفال

Shakina kuma jiro in tani ay tahay Sunnada kala sooca iyo imtixaanka oo ay u soo joogeen kuwii Iimaanka inagaga horeeyay, waana tijaabo soo martay masiirada Jihaadka, ayna la kulmeen dadkii sabqiga lahaa kuwaas oo markiiba wax ka qoray islamarkaana waddo la raaco u dajiyay si looga hortago fitantaas oo loo damiyo, asal ahaan qofka Muslimka ah marka arrimahan oo kale ay yimaadaan waxaa ku haboon inuu ula laabto hadalka ALLAH Cazza Wajalla ee ahaa:

﴿وَإِذَا جَاءهُمْ أَمْرٌ مِّنَ الأَمْنِ أَوِ الْخَوْفِ أَذَاعُواْ بِهِ وَلَوْ رَدُّوهُ إِلَى الرَّسُولِ وَإِلَى أُوْلِي الأَمْرِ مِنْهُمْ لَعَلِمَهُ الَّذِينَ يَسْتَنبِطُونَهُ مِنْهُمْ وَلَوْلاَ فَضْلُ اللّهِ عَلَيْكُمْ وَرَحْمَتُهُ لاَتَّبَعْتُمُ الشَّيْطَانَ إِلاَّ قَلِيلاً (83)﴾، النساء.

Bayaanka ayaa intaas ka dib si toos ah lagula hadlay Umadda Muslimka ah guud ahaan iyo ansaarta Jihaadka gaar ahaan iyadoona loogu baaqay iney ka digtoonaadaan fitantaas,oo caqligooda ka shaqeysiiyaan, wixii ka qarsoomana ay weydiiyaan dadka Cilmiga u leh iyo madaxda Mujaahidiinta.

Waxaa sidoo kale bayaanka loogu sheegay Umadda Muslimka ah iyo guud ahaan Mujaahidiinta ka dagaallamaya Jabahaadka Jihaadka Caalamka in Mujaahidiinta Soomaaliya ay wadada ku taagan yihiin, ayna Umaddooda u adeegayaan,Shareecadana adkeynayaan, gaaladana dhabarka ka jabinayaan,sidoo kalena ay ku dadaalayaan ilaalinta mideynta safka iyo xaqiijinta cadaaladda.

“Waxba yaan la dhaawicin kalsoonida aad ku qabtaan hogaanadiina, ALLAH baan ku dhaaranee, waxna meysan badalin oo marna mey weecan, naf-hurkooduna wuu sii soconayaa oo cadowgooduna wuu sii badan, sidii aad kaga barateena dadaal ma reebanayaan ilaa raayaatka Towxiidku isu tagaan oo Khilaafadii Islaamka istaagto, waxaana inagu filan in ka hor dadka na jecel uu cadowgu u qirayo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab horumarrada ay dhinacyo badan ka sameysay, haddii aaney taasi jiri laheyna,ciidamada intaas la eg reer galbeedku sooma dagaal geliyeen,oo lacagaha sidaa uma farraqeen, shirarka joogtada ahina ma qabteen” ayaa lagu yiri Bayaanka Mu’assasada Al-Kataaib.

Ugu danbeyn waxaa lagu sheegay bayaanka in markii shirqoolada dibadda ee cadowgu ay socon waayeen oo Mujaahidiintu ay ka hortageen in fitno laga bilaabay safka gudaha si loo kala dhantaallo quwadda Mujaahidiinta,waxaana laga digay wararka la soo dhigayay maalmahan baraha Internet-yada iyo website-yada ee aan tazkiyada ka heysan Mujaahidiinta Caalamka.

“Waxaan baraarujineynaa in qoraalladii lagu baahiyay bogagga qaar ee suurad xumeynaya Jihaadka Soomaaliya iney ahaayeen kuwo aad xaqiiqada uga fog, oo been abuurro laga buuxiyay ka dibna loo adeegsaday xogaha qaar si aan xaqiiqada aheyn, waxey aheyd Xaqaa’iqda oo lagu daboolayo xiqdi, uur-ku qaad iyo wax jecleysi, waxaana wax laga xumaado ah in been abuuradaas ay yimaadeen waqti ay Mujaahidiintu safkooda hore u mideeyeen” ayaa lagu yiri bayaanka.

Waxaa lagu soo gunaanaaday in awoodda Mujaahidiinta ay maanta ka xooggan tahay sidii shalay, ayna khibrad u leeyihiin dhagaraha loo maleegayo, ballana ay ku galeen in Islaamka aan dhankooda looga imaan.

Bayaanka kasoo Baxay Al-Kataaib oo Carabi ah halkaas ka degso.






The Khilaaf between Shabaab vs Milatu Ibrahim is stronger than ever :stylin:

User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30804
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Re: Alshabaab: Aweys & Co are fitnawadayaal murtaddiin

Postby Khalid Ali » Sun May 19, 2013 1:43 pm

godane wants to kill aweys :lol:

Marques
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5840
Joined: Tue Apr 01, 2008 4:30 pm

Re: Alshabaab: Aweys & Co are fitnawadayaal murtaddiin

Postby Marques » Sun May 19, 2013 7:54 pm

Who came up with the name Milatu Ibraahim camp? Mise waa propaganda looga hortagaayo?

AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Re: Alshabaab: Aweys & Co are fitnawadayaal murtaddiin

Postby AhlulbaytSoldier » Sun May 19, 2013 10:17 pm

Who came up with the name Milatu Ibraahim camp? Mise waa propaganda looga hortagaayo?
Roobow came up with the name.

Let us all pray that milatu ibrahim is the lesser evil.

Titanium
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2999
Joined: Tue Jan 01, 2013 3:51 am

Re: Alshabaab: Aweys & Co are fitnawadayaal murtaddiin

Postby Titanium » Sun May 19, 2013 10:26 pm

These Al Shabab leaders are not even hiding their locations. Shangole is in Bulo Barde. Aweys is in Barawe. Al Amriki was in Rama-Cadey town in Bay before he was killed. Godane is rumored to be in Hargeisa.


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: gobdoon, original dervish and 37 guests