Wararka ka imaanaya Bariga Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha dhexe ayaa sheegaya halkaasi inay isku fara saareen Labo Malayshiyo Beeleed oo deeganadaasi wada daga.
Afhayeen u hadlay Maamulka dowladda ee gobolka Shabellaha dhexe ayaa u sheegay Saadaal Media Isniintii in ay gaareen deegaanka Mayoongaale oo kamid ah deeganadii ay Malayshiyo beeleedu dabka qabadsiiyeen, waxaana uu xusay halkaasi inay ku basbeeleen guryo dhowr ah oo ay daganaayeen dad reer Miyi ah.
Daa’uud Xaaji Ciiro ayaa xusay Maamulkoodu inuu gurmad balaaran u fidiyay dadkii dhibaatadu kasoo gaartay dabka isla markaana ay ku howlanyihiin sidii aysan markale usoo laaban lahayn arinatani.
Waxaa uu Tibaaxay dadkii ka danbeeyay mashaqadani inay ku raad joogaan dhawaan ay filayaan inay gacanta kusoo dhigi doonaan isla markaana sharciga lala tiigsan doono.




when will this niggaz get tired of qabil wars?
