Wasiirrada Arrimaha Gudaha iyo Gaashaandhigga Somalia oo u ambabaxay Kismaayo iyo Maamulka Axmed Madoobe oo Hanjabay
Sabti, May 25, 2013 (HOL) — Wafdi ay hoggaaminayaan wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka Soomaaliya, C/kraiin Xuseen Guuleed iyo wasiirka gaashaandhigga, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa maanta aaday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose; iyadoo maamulka Axmed Madoobe ay sheegeen inay iska difaaci doonaan cid walba oo duullaan ku ah Jubbaland.
Maamulka Axmed Madoobe ayaa la sheegay in xubnihii horay dowladda uga socday ee ku sugnaa Kismaayo ay wadaan abaabullo ay isaga horkeenayaan beelaha gobolkaas ku nool, ayna iska dhicin doonaan cid walba ama dowlad ha ahaato ama cid kale oo doonaysa inay dibaatooyin abuuraan, iyadoo shir maanta ka dhacay magaaladaas lagu cambaareeyay siyaasadda dowladda ee ku aaddan Jubbooyinka.
Ilo wareedyo ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa u sheegay HOL inay wafdigan ay u socdaan sidii ay saraakiisha ciidamada Kenya ee AMISOM ka tirsan ugala hadli lahaayeen inay sugaan ammaanka xildhibaannada ku sugan degmadaas.
“Wasiirradu waxay garoonka diyaaradaha ee Kismaayo kula kulmi doonaan saraakiisha ciidmada Kenya ee ka tirsan AMISOM, qorshahooduna ma ahan inay magaalada galaan,” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.
Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jabriil oo ka mid ah wafdiga dowladda eek u sugan Kismaayo ayaa BBC-da u sheegay in ciidamada Kenya ay ku war-geliyeen inaysan ammaankooda sugi doonin, balse ay markii dambe u yimaadeen ayna u sheegeen inay ammaankooda sugayaan.
Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in magaaladaas ay ka taagan tahay xiisad aad u weyn, iyadoo maamulka Axmed Madoobe uu si toos ah uga soo horjeestay dowladda Soomaaliya.
Isbedelka mowqifka maamulka Axmed Madoobe ayaa yimid kaddib markii ay madaxda IGAD isku raaceen in maamul u sameynta Jubbooyinka lagu ixtiraamo dowladda Soomaaliya, ayna kala shaqeynayaan dowladda Somalia sidii loo qaban lahaa shir-weyne lagu dhisyo maamullo KMG ah oo ay yeeshaan gobollada Jubbooyinka.
Magaalada Kismaayo ayaa waxaa bartamihii bishan lagu dhisay maamul loogu magac-daray Jubaland kaasoo ay ruux sheegeen in loogu doortay inay madaxweyne u noqdaan, iyadoo aan la ogeyn halka uu xaalka Kismaayo ku dambeyn doono.




