Guddoomiyaha degmada Caabudwaaq Axmed Jaamac Dhirif oo la hadlay Saadaal media ayaa sheegay Shalay inuu ku wareejiyeen maamulkoodu 5 nin oo dhawaan ay qabteen Ciidamadda amaanka degmada kuwasoo dilal ka gaystay deegaano ka tirsan Kilil5 aad ee Dalkaasi Ethiopia.
Dhirif ayaa sheegay wareejinta ragaasi inay qayb ka qaateen odayaasha dhaqanka degmada Caabudwaaq, Maamulka degmada, iyo sidoo kale Masuuliyiin ka socday Degmada Galaadi iyo Odayaasha beesha Reer Biciidyahan oo ay kasoo jeedeen raga ku eedaysnaa falka dilka ah.
Axmed Jaamac Dhirif Guddoomiyaha degmada Caabudwaaq ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku micneeyay arintani inay dhabaha u furayso wada shaqayn dhex marta Maamulka degmada Caabudwaaq iyo kan Ismaamulka Somalida Ethiopia.
http://saadaalnews.com/2013/05/27/dhaga ... ay-kilil5/





