“waxaa maanta inasoo gaaray in qaar ka mid ah idaacadaha madaxa banaan ay faafiyeeen warar been abuur ah oo la xiriira in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka uu ka codsaday dowladaha deriska ah qaarkood iney ciidammadooda kala baxaan gudaha Soomaaliya hadaba waxaan dooneynaa in Madaxtooyada Jamhuuriyadda Soomaaliya ay halkaan ka cadeyso in warkaasi uu yahay been abuur aan raad laheyn,websiteyada qorayna ma ahan kuwo afka dowladda ku hadla”ayuu ku yiri shirkiisa Jaraa’id Wasiirudowlaha Madaxtooyada Qaranka.
Mudane Faarax Sheekh C/Qaadir oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in siyaasadda arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka uu yahay mid ku dhisan iskaashi iyo walaaltinimo kala dhaxeysa caalamka oo idil gaar ahaanna wadamada deriska ah sida Kenya,Ethiopia iyo Jabuuti oo iyaga uu ku ammaanay doorkii ay lu lahaayeen u gargaarida shacabka Soomaaliyeed iyo in dalka uu ka baxo KMGka.
“dowladdu waxa ay markale u mahad celineysaa dowladahaas gaar ahaanna dowladaha Kenya iyo Ethiopia oo iyagu dadaal dheer u galay in Soomaaliya laga xoreeyo cadawga argigixisada ah,waxaan kale oo aan doonayaa inaan aad u cadeeyo in xiriirka ay Dowladda Soomaaliya la leedaahay dowladaha Kenya iyo Ethiopia uu yahay mid aad u wanaagsan islamarkaana qoto dheer, Todobadii Todobaad ee lasoo dhaafay waxa uu Madaxweyne Xasan Sheekh la kulmay Madaxweynaha cusub ee Kenya Uhuru Kenyata iyo Ra’isulwasaaraha Ethiopia Hayle Mariam Disale mudo Shan jeer ah waxaana ay leeyihiin xiriir joogto ah oo ku dhisan iskaashi derisnimo,waxaan markale ku celinayaa in hadaladaas been abuurka ah ay yihiin kuwo la doonayo in lagu qal qalgeliyo amniga Umadda Soomaaliyeed”ayuu yiri Wasiirudowlaha Madaxtooyada Qaranka Mudane Faarax Sheekh C/qaadir.
Ugu dambeyntii Wasiirudowlaha Madaxtooyada Qaranka Mudane Faarax Sheekh C/qaadir ayaa ka codsaday saxaafadda Soomaaliyeed ee madaxa banaan iney ka fogaadaan waxkasta oo qal qal gelin kara amniga iyo jiritaanka umadda Soomaaliyeed.
http://radiomuqdisho.net/madaxtooyada-s ... tooyada-2/






