Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Ameer Hassan: The war in Kismaayo must stop now!

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Ameer Hassan: The war in Kismaayo must stop now!

Postby AhlulbaytSoldier » Fri Jun 07, 2013 11:11 am

Madaxweynaha Somalia oo ku baaqay in si dhaqso ah lagu joojiyo Dagaalka ka socda Magaalo Xeebeedda Kismaayo
Jimce, Juun 07, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa sheegay inuu aad iyo aad uga xumaaday dagaal maanta ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo, isagoo baaqay in si deg-deg ah lagu joojiyo colaaddaas, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ku yiri warsaxaafadeedka: “Waxaan tacsi kal iyo lab ah u dirayaa intii ku geeriyootay dagaalkii saakay ee Kismaayo, waxaana ALLE uga baryayaa inuu jannadiisa ka waraabiyo, ehelledii iyo Soomaaliyeeda oo dhanna uu samir iyo iimaan ka siiyo, kuwa ku dhaawacmayna uu ee EEBBE caafimaad deg-deg ah siiyo.”

Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in waqtigan xasaasiga ah oo Soomaaliya ay kasoo kabaneyno dagaalladii 22-kii sano socday waa nasiib-darro in dad Soomaaliyeed ay is-dilaan, wuxuuna ku baaqayaa in la-wada ilaaliyo xasilloonida iyo nabadda lagana wada shaqeeyo sidii nabad lagu heli lahaa.

“Dagaal shacab baa nooga dhimanaya oo qiimo iyo qaayo weyn noo wada leh, waana in la joojiyo colaadaha ka socda magaalada Kismaayo,” ayuu ku daray madaxweynuhu hadalkiisa.

Dhanka kale, wuxuu ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay ka fogaadaan wax walba oo keeni kara colaad, dagaal iyo dulqaad la’aan, wax walba oo dhacana lagu dhameeyo wadahadal iyo nabad.

“Dowladdu waa ay ka go’antahay inay wadahadal, dib-u-heshiisiin iyo si ay ku jirto Soomaalinimo ku wajahdo kuna dhameeyso dhammaan khilaafka jira si aan u wada-gaarno himilooyinka aan hiigsaneyno ee ah in Soomaaliya ay cagaheeda isku-taagto, lana tartanto caalamka kale,” ayuu madaxweynuhu kusoo gabagabeeyay warsaxaafadeedkiisa.

Iskahorimaadkii Kismaayo ka dhacay maanta ayaa waxaa ku dhintay saddex qof, lix qof oo kalena way ku dhaawacatay inta la xaqiijiyay, wuxuuna u dhexeeyay dhinacyo isku haya maamulka Jubaland ee bishii hore Kismaayo looga dhawaaqay.

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: nnjrewzas112 and 10 guests