Liiska Culusoow Iyo Xertiisa HAG Ee Shirkii Japan Ka Qeyb-Gashay Oo Tooshka Wareega Ee Shacabkamedia Ku Guuleystay Inuu Helo Magacyadooda Iyo Qabiilada Ay U Dhasheen
Written by Administrator
Sunday, 02 June 2013 12:40
Kadib markii codsi nooga yimid akhrisatayaasha Shacabkamedia inaan baaritaan ku samayno Fadeexadii Japan ee Madaxweynaha Dawladda Fedeeraalka Soomaaliyeed iyo Ururka Hawiye-Action-Group ay shirka uga qeyb-galeen magacii Soomaaliya ayaan baaritaan-dheer kadib waxan helnay magacyadda Ragga horboodaya ururka HAG ee safarka ku wehliyay M/weyne Culusoow.
Wararka hoose oo naga soo gaaraya magaalada Yokohama ee wadanka Jaban ayaa sheegaya in madaxwaynaha dawlada Federaalka Soomaaliya uu maalinimadii shalay (31.05.2013) shirar dhawr ah oo dhamaantood qarsoodi ahaayeen la yeeshay madaxda dawladda iyo shirkadaha dalka Japan.
Shirarkan oo madaxwaynuhu aad uga fogeeyay dhamaan madaxda dawlada Federaalka, ayaa waxa kaliya oo kala qayb galay koox shaqaale ka ah madaxtooyada oo wada ah Beesha madaxwaynaha ah kana tirsan Ururka HAG ee maamula Xafiiska Culusoow
Ugu horayntii ayaa waxaa dad badan la yaab´ku noqotay ka dib markii madaxwaynuhu Muqdisho uga tegay wasiirkiisii Maaliyada oo isagu dawlada u qaabilsanaa shirarka noocan oo kale ah.
Xaajadan ayaa Fadeexad qaawan isu bedeshay kolkii madaxwaynuhu uu magaalada Nairobi ku reebay wasiiradda Arrimaha Dibada, si anaay wax badan uga ogaan arimo fara badan oo looga wada hadlayo shirar gaar ah iyo heshiisyada hoose ee madaxwaynaha iyo kooxda HAG ay la galayeen shirkadaha Jaban.
Dhaqanka madaxwaynaha ee noocan oo kale ayaa ahaa mid aan ku cusbayn madaxda dawlada Federaalka, balse arintan ayaa filan-waa ku noqotay Fowziya Yuasuf oo iyadu ahayd saaxiib u aragti dhaw madaxwayne Culusow.
Siyaasada Qabyaaladaysan ee aan dharka loo xirin ee Culusow ayaa kama dambaystii noqotay mid ay ka yax-yaxaan dhamaan umada Soomaaliyeed, ka dib markii Media-ha caalamka laga arkay madaxwaynaha iyo 8 nin oo la reer ah oo ka qayb galaya shirkii caalamiga ahaa ee ka dhacay magaalada Yokohama ee dalka Jaban.
Arinta ugu yaabka badan ayaa noqotay Wasiirka Maaliyadda oo la filayay,maadaama deeq Dalka Japan laga raadsanayey inuu shirkan soo xaadiro,ayaa laga soo dhuuntay,lamana yaqaan sababta loogu diiday inuu shirkan ka qeyb-galo,iyadoo arin laga yaqyaqsoodo ah ay tahay in dhawr nin oo isku reer ah ay markasta Maadxweyne Xasan Culusoow shirarka deeqaha kala qeyb-gala,halka aan la ogoleyn dadka kale inay shirarka Caaalamiga ah u raacaan Culusoow iyo xertiisa HAG.
Kooxda isku Beesha iyo Siyaasada ah ee ka qayb gashay shirkii Yokohama-Japan waxay kala yihiin:
1-Xuseen Iidoow Murursade - HAG, Agaasime ku-xigeenka madaxtooyada.
2-Ibraahim Baana - Abgaal -HAG Protocol of the presient.
3-Eng. Yariisoow - HAG, Information
4-Xaayoow Gacal - Murursade - HAG Wasiirul Dawle Foreign Affair.
5-Xassan Culusow - HAG madaxweyne
6-Kamaal Guutaale- H/gidir - HAG.
7-Sheekh Ciise - Abgaal - HAG
8- Abudalahi Afrah - Abagaal
Shacabkamedia-Beyra-Puntland
Runta Kama-Xıshoono



