Iftin Xasan Baasto oo ka mid ah Madaxweynayaasha Jubaland ee lagu doortay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in wali ciidamadiisa ay ku sugan yihiin goobihii lagu dagaalamay, isla markaana aanay jirin goob laga saaray.
Waxaa uu sheegay in dadka shacabka ay la dagalaamayaan ururka uu hogaamiyo Axmed Madoobe, ayna diidan yihiin dhibaatada ay ku hayaan sida uu yiri.
"Walaal waxaa joognaa goobaheenii, ma jirto cid naga saartay, mar bey shalay nagu soo dhowaadeen dib ayaa uga saarnay, iyagoo waliba kaashanaya ciidamo shisheeye"ayuu yiri Iftin Xasan Baasto.
Mr Baasto ayaa beeniyay in ka tirsan yihiin Shabaab, isagoo xusay inay yihiin dadka deegaanka oo ka dhiidhinaya dhibaaatada ay ku hayaan Raaskambooni.
Afhayeenka maamulka magaalada C/naasir Seeraar ayaa sheegtay inay magaalada ka saareen dhinacii ka soo horjeeday, isagoo ku eedeeyay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab.
Labadii maalmood ayaa dagaalo ka dhacayay magaalada Kismaayo u dhaxeeyay dhinacyada isku haya magaalada, iyadoo dagaalada ay sababeen dhimasho, dhaawac iyo barakac xoog leh.
The Kenyan Hookers said they kicked out Mujahid Baasto & his xaq udirir group from Kismaayo, a terrible lie.



