Xilibaano iyo xubno ka socda xisbiga Damul-Jadiid ayaa magaalada Nairobi waxay ka wadaan olole looga soo horjeeda dhisamaha Jubaland iyo waliba Ciidamada Kenya ee Koonfurta Soomaliya Jooga.
Xubnaha waxaa ka mid ah, Xilibaan Guure, Xilibaan Xoosh, Xilibaan Cabdulaahi Goodax Bare, Xilibaan faarax Cabdiqaadir, Xilibaan Cabdilaahi jaamac Kaboweyne, Kamaal Guutaale oo ah agaasimaha Madaxtooyada Muqdisho. Taliyaha Nabad Sugida Bashiir Goobe.
Ragan iyaga ah waxay qoreen warbixino ay kaga hadlayaan oo ay ku dacwaynayaan madaxda Jubaland iyo Dowlada Kenya waxayna Kulamo la yeelanayaan safaaradaha reer galbeedka ee Nairobi degan.
Sidoo kale waxay wadaan qorshe lagu abuurayo in Kenya laga ssameeyo Network ama shabakad Madaxda Soomalida Kenya ah oo ka soo horjeesta Jubaland.
Shalay waxay Hotelka Sarena ku shiriyeen Mas’uuliyiin soomalida reer Kenya ah oo ka soo jeeda Mandera iyo Wajer. Si ay uga dhaadhiciyaan qorshaha ay wataan.
Dhinaca kale waxaa jira Ganacsato u dhashay beesha madaxweynaha oo iyagana dhaqaale ku bixinaya Mashruucan.
Maanta waxay Ragan shir ku qabanayaan Hotelka Inter-continental ee Magaalada Nairobi, kulankan ayaa waxay uga doodayaan dastuurka iyo federaalisim-ka.
Dhinaca kale waxaa jira qorshe cusub oo dowlada federaalka ay u dajisay in lagu fashiliyo maamulka Jubaland. Waxay jira hub iyo rasaas shabaabka laga soo gaday oo Kismaayo la soo gelin rabo. Waxaana qorshahan cusub dajiyay wasiirka arimaha Gudaha, ka dib markii uu fashilmay weerarkii Kismaayo lala damacsanaa.
Bogga Hore ku Laabo
Bogga Ciyaarah Akhri
Daawo Video badan oo xiiso leh




