Postby Bro » Fri Jun 14, 2013 11:48 pm
Wararka naga soo gaaraya Tuulada Muuri ayaa sheegaya in galabta uu dagaal saacado badan socday uu ka dhacay tuulada Muuri. Dagaalkan ayaa bilowday kadib markii sida ilo lagu kalsoon yahay sheegeen ay Maleeshiyo huwan magaca Ciidamada dowladda oo saldhigoodu yahay deegaanka Laanta buuro ay soo weerareen ciidamada Deegaanka ee ku sugan Muuri.
Qasaare isugu jira dhaawac iyo dhimasho ayaa ka dhashay dagaalkan laakiin nooma aysan suura galin inaan helno xaqiiqda tirada saxda ah ee dhimasho iyo dhaawac.
Wararka ayaa sheegaya in Dagaalkii uu caawa fiidkii joogsaday kadib markii Ciidamada deegaanka ee fadhigooda yahay lambar 50 ay ka guuleysteen Maleeshiyadii huwanaa magaca ciidamada dowladda,islamarkaana ay ku noqdeen Laanta Buuro oo saldhig u ahayd.
Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidamada deeganka ay haatan ku sugan yihiin deegaanka Edamow oo wax yar u jira saldhiga maleeshiyada dowladda ku leeyihiin laanta buuro.
Mid ka mid ah ragga sheegta in ay madax ka yihiin maamulka Gobolka oo lagu magacaabo Maxamed Cumar ayaa u sheegay idaacadaha maxaliga ee Muqdisho in dagaalka uu ahaa dagaal beeleed laakiin dad ku sugan deegaanka ayaa inoo xaqiijiyay in maleeshiyada soo weeerartay Muuri maanta ay ahaayeen Maleeshiyada dowladda ee ku heyb ah wasiirka arimaha gudaha ee ku sugan Xabsigii hore ee Laanta buuro.
Tuulooyinka iyo degmooyinka Gobolka Shabelada Hoose ayaa bilihii ugu dambeeyay waxa ka socday kacdoon ay dadka deegaanka uga soo horjeedaan Maleeshiyo beeleedyada ka soo hayaamay Gobolada ka fog Gobolka Shabeelada Hoose.