Who invited him to begin with? lol Total failure
Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ku lug go’ay Dalka Ingiriiska oo u tagay inuu ka qayb galo Shirka Hogaamiyayaasha Wadamada G8.
Warar Dublamaasiyadeed oo Howlwadeenada Puntlandi heleen ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheikh loo sheegey ineysan suura Gal ahayn inuu ka qayb galo Shirkaas, loomana sheegin Sababta keentey in daqiiqadihii u dambeeyey lagu war galiyo Madaxweynaha inuu isaga laabto Muqdisho.
Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu Shalay ka qayb galay Shir hordhac u ahaa Shirka G8 kasoo ka dhacay London, wuxuuna halkaas ka jeediyey khudbad ka mid ah khudbadihiisii caadiga ahaa, maadaama Madaxweynuhu u khudbada u diyaarsaneyd uu ugu tala galey Shirka G8 ee Hogaamiyayaasha G8 isugu imaanayaan.
Ilaa hadda lama oga Sababta keentey in Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya laga hor istaago shirkaas iyadoo markii hore lagu casumey, Raysal wasaaraha Ingiriiska David Camaroon ayaa fariinta soo Gaarsiiyey Madaxweyne Xasan Sheikh, wuxuuna ka balan qaadey inuu fariin ka gaarsiin doono Madaxda shirka isugu imaaneysa, uuna ku salaami dono.
Dublamaasiyiin jooga London ayaa Puntlandi u sheegey in ay Dowlada Mareykanu ka dambeysey in Madaxweyne Xasan Shiekh la kansalo warqadisii marti qaadka.
Shirka madaxda dalalka ku hormaray warshadaha ee G8 eayaa ka furmaya maanta dalka Ireland.
Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu hada kusii jeedaa Muqdisho.
Sawiradaan hoose waa shirkii gaabnaa ee shalay ka dhacey London