Xarakada Al-Shabaab ayaa meel ka mid Koofurta Soomaaliya ku soo bandhigtay labo sarkaal Kenyan ah, Hub iyo qalab isgaarsiin, kaasoo ay ku soo qabsatay dagaal bishii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Dhamajaaley ee Gobolka waqooyi bari Kenya.
Barta Twitter-ka Al-Shabaab ee HSMpress1 ayaa lagu soo bandhigay labada nin, hub u badnaa qoryaha fudud, rasaas iyo qalabka Isgaarsiinta.
Xoogag ka tirsan Shabaab ayaa 25-kii bishii May weerar ku qaaday saldhig ku yaalay deegaanka Dhamajaaley oo ay ku dileen ciidamo ka tirsan Kenya, iyadoo weerarkaas uu ahaa kii ugu xumaa ka dhaca xuduuda.
Al-Shabaab ayaa dhowaan soo bandhiga, hub, gaari xamuul ah iyo agabto kale oo ay ku jireen dhar oo ay ka soo qabsadeen meel u dhow deegaanka Mustaxiil ee dhulka Soomaalida Itoobiya, halkaasoo ay dagaal ku qaadeen.
Xarakada Al-Shabaab ayaa horay gacanta ugu hayay maxaabiis Kenyan ah oo isugu jiray saraakiil iyo dad kale oo u shaqeeyay maamulada deegaanka ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.



I dont support the terrorists , but iam not condemning this action either



