Ex-xildhibaan Salaad Cali Jeelle oo ka mid ahaa xildhibaanadii baarlamankii hore ee KMG ahaa ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in Al-Shabaab oo labo sano ka hor laga saaray caasimada ay weli madaafiic ku soo tuureyso xarunta madaxtooyada.
Salaad Cali Jeelle ayaa xusay in madaafiicdaas laga soo tuuray meel ka mid ah magaalada Muqdisho oo ay joogaan ciidamada amniga taasoo uu ku sifeeyey arin nasiib daro ah oo aan la aqbali Karin.
Salaad Cali Jeelle oo sidoo kale wasiir ku-xigeenkii difaaca ka soo noqday mid ka mid ah xukuumadihii KMG ahaa ee dalka soo maray ayaa intaa ku daray in arintaas ay ugu wacan yihiin heyadaha amaanka dowlada oo buu yiri ay ka muuqato habacsanaan iyo is dhigasho.
“Waxay mashquul ku noqdeen arrimaha dibeda iyo shirar isdaba joog ah oo la aado, arrimihii gudaha ee loo baahnaa in xooga la saaro waa laga jeestay, taasi waxay keentay in Al-Shabaab oo labo sano ka hor laga saaray Xamar ay weli soo duqeyneyso madaxtooyada Qaranka” ayuu intaa ku daray Salaad Cali Jeelle.
Dhinaca kale, Salaad Cali Jeelle ayaa dhaliilay qaabka ay ciidamada dowlada howlgalada uga sameeyaan degmooyinka Muqdisho, isagoo xusay in habeenba in la xiro xaafad, wixii rag ahaa ee joogayna la soo aruuriyo aysan wax amni ah keeneynin.
“Hadaad dad dhan soo aruuriso kuwa Al-shabaabka ah iyo kuwa kale calaamad lagu garto ma leh waa isku dhex jiraan, sidaasna loogama hortegi karo nimankaas, waa iney la timaadaa dowladu qorsheyaal kale oo amaanka wax looga qabto” ayuu sidoo kale yiri Salaad Cali Jeelle oo ka mid ahaa musharaxiintii isku soo taagay doorashadii madaxtinimo ee sanadkii hore ka dhacday Muqdisho.



