you can`t take sides in internal affairs of friendly country if you want to have, the support of that nation in the future.
The Turkish effort in Somalia was based on national consensus albeit spearheaded by the Islamist AKP, nevertheless the Turkish people were united in their effort.
The 50 percent that voted against Erdogan might see the Somali demonstration in the context of politics away from humanitarian frame, that means the Turkish effort in Somalia might get politicized.
if you want a firm and stable relations with turkey you must not take sides, so to insure cross party support for your somalia.
Herr Eaglehawk
Spreading the German gospel among the hawiye since 1884
Muqdisho(RBC Radio) Bannaanbax ballaaran oo uu soo abaabulay maamulka gobolka Banaadir kaasoo lagu taageerayey R/wasaarahada dalka Turkiga Rajab Dayyid Ordagan ayaa maanta lagu qabtay fagaaraha Daljirka dahsoon ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,bannaanabaxa ayaa waxaa ka qaybgalay boqolaal ruux oo gacmaha ku sitay calamada dalalka Soomaaliya iyo turkiga.
Dibadbaxayaasha ayaa gacmaha ku watay Sawirka R/wasaaraha dalka Turkiga Rajab Dayid Ordogan,waxayna ku dhawaaqayeen erayo ay ku cabirayeen in Ordogan uu yahay Nin abaal weyn u galay dalka Soomaaliya,waxayna sheegeen iney ka xun yihiin Dibadbaxyada ka dhanka ah ee ka socda dalkaas.
Maama Abisho oo ka mid ah bulshada Rayidka ah ee ku dhaqan magaalada Muqdisho oo dibad baxa hadal ka jeedisay ayaa sheegatay in R/wasaare Ordogan uu yahay qofkii indha caalamka kusoo jeediyey Soomaaliya xili la hilmaamay dalka Soomaaliya,waxayna intaa ku dartay in Rajab Dayyid Ordogaan uu ahaa qofkii ugu horeeyey ee si dhab ah ugu soo gurmaday shacabka Soomaaliyeed markii ay ku dhufatay abaarta ba’ani sanadkii 2011ka.
Bannaanbaxayaasha ayaa ugu baaqay shacabka dalka Turkiga ee dhigaya mudaharaadyada ay kaga soo horjeedaan xukuumadda uu hogaaminayo R/wasaare Dayyid iney joojiyaan isla markaane aysan dhibaato u horseedin dalkooda,waxayna daboolka ka qaadeen in mudaharaadyada iyo iska hor imaadyada ka socda dalkaa ay keeni karaan dhibaato ku dhacda dalkaa,Dibadbaxayaasha ayaa dhanka kale R/wasaaraha dalka Turkiga ugu baaqay inuu wada hadal ku dhammeeyo wxiisadaha siyaasadeed ee ka taagan dalkaas.




