DEG DEG: Xasan Dahir Aweys oo gaaray degmada Cadaado iyo khilaaf ka dhex taagan Ximin iyo Xeeb
War goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in Sheekh Xasan Dahir Aweys oo ay galbinayaan kolonyo ciidan oo uu la socdo Madaxweynaha Maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa goor dhow gaaray degmada Cadaado.
Sida ay sheegayaan wararka Xasan Dahir ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa qeybo ka mid ah gobolka Mudug, iyadoo imaatinkiisa Cadaado ay ka dambeysay heshiis dhex maray isaga iyo Maamulka Ximin iyo Xeeb.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in maamulka Ximin iyo Xeeb uu khilaaf soo kala dhex galay, kaasoo ku saabsan qaabka markii hore looga hadlay arrinta Xasan Dahir.
Khilaafka ayaa ku saabsan wareysi uu Afhayeenka maamulka Ximin iyo Xeeb Maxamed Cumar Hagafey uu siiyay Idaacada VOA, kaasoo uu ku sheegay inay gacanta ku dhigeen, wada hadal kadibna uu isu soo dhiibay.
Laakiin arrinta jirta ayaa ah in Madaxweynaha Ximin iyo Xeeb uu markii hore degmada Cadaado shalay kaga ambabaxay in Xasan Dahir uu marti geliyo, wada hadalo dhex maray kadib.
Wararka ayaa intaa ku daraya in goor dhow laga yaabo in Madaxweynaha Ximin iyo Xeeb uu shir jaraa'id qabto, kaasoo uu kaga hadlayo imaantinka Xasan Dahir ee degmada Cadaado iyo wixii dhex maray.
Sheekh Xasan Dahir ayaa doon uga soo baxsaday degmada Cadaado, markii khilaaf uu soo kala dhex galay isaga iyo Hogaamiyaha Shabaab, waxaana la is weydiinaya inuu ku sii sugnaanayo cadaado iyo in kale.
La soco wixii ku soo kordha.




