its true
Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya gaaray Shiikh Xasan Daahir Aweys oo maalmihii aynu ka soo gudubnay ku sugnaa degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud. Xasan Daahir ayaa waxaa Muqdisho geystay diyaarad ka soo qaadday Cadaado.
Xasan Daahir oo ay wehlinayaan xubno isugu jira Xildhibaanno, Oday dhaqameedyo iyo waxgarad kale ka degay garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo halkaasna ay ku soo dhaweeyeen Xildhibaanno iyo Wasiirro ka tirsan Dowladda Soomaaliya.
Ammaanka Xasan Daahir ayaa waxaa la wareegay Ciidamada ALPHA GROUP ee wejiyada xirta, waxaana garoonka ku salaamay dadkii ku soo dhaweeyay.
Xasan Daahir Aweys oo horay u ahaa Guddoomiyihii Ururka Xisbul Islaam, ka hor intii uusan ku biirin Al-shabaab oo uu ugu dambeeyay naftiisa kala soo baxsaday, waxayna ahayd maalmo ka hor markii uu isu soo dhiibay maamulka Ximan iyo Xeeb ee xaruntiisu tahay magaalada Cadaado.
http://www.hiiraan.com/news/2013/Jun/wa ... -22429.htm
Welcome to your capital
