Warar aan ka heleyno deegaanka Jeebey ee gobolka Shabellada Hoose ayaa sheegaya in laba ka mid ah Kaabo Mooriyaanta Maleeshiyada dhibaatada ka wada Sh.Hoose lagu dilay halkaas.
Labadan kaaba Mooriyaan oo xoog ku heysta beero Aseendo Moos ah oo ku yaala Jeebey ayaa lagu soo waramayaa in ay dileen Maleeshiyada Al-shabab. Dad ku sugan gobolka ayaa sheegaya in dilka labadan nin uu ka dambeeyo nin ka mid ah horjoogayaasha Al-shabab ee deegaankaas oo magaciisa lagu soo koobay Saalax.
Saalax ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa dadka tuulada Buulo Sheekh ee Gobolka Shabellada Hoose,ka hor inta uusan ku biirin Al-shabab.
Labadan nin ee lagu dilay Jeebey oo ah kuwo caan ka ah deegaanka jeebey, dhibaato baána ku hayey dadka deegaankaas ayaa la sheegayaa in ay ka soo kala jeedaan Ceyr iyo Saleemaan.



