Maamulka Sare ee Shabakada Warbaahinta Saadaal Media wuxuu raali galin ka bixinayaa war maanta si khaldan ugu soo baxan Boggan kaasoo sheegayay Xaaska Madaxwayne ku xigeenka Jubbaland inay eedaysay Ciidamadda Kenya isla markaana ay u qaxday meel duleedka ka ah Kismaayo.
Hadaba Xiriiro kala duwan oo la samaynay dad kala duwan ayaa noo cadaatay in Warkaasi uu yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn.
Maamulka Guud ee Saadaal Media wuxuu raali galin buuxda ka bixinayaa Qoraalkii iyo Codkii lagu soo daabacay Boggan.
Saadaal Media waa warbaahin Madax banaan isla markaana warka usoo gudbisa si dhex dhexaad ah.
Maamulka Sare ee Saadaal Media




