Ilaa afar Saraakiil oo ka tirsan Ururka Raaskambooni, ayaa waxay galabta ka soo caga dhigteen Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Saraakiishaan ayaa waxaa horkacaayay Col. Aadan Yaas-kaadhun, oo ka tirsan Saraakiisha sar sare ee Ururka Raaskambooni, waxayna la socdeen Diyaarada Blue Sky, oo maanta ka soo duushay Garoonka Axmed Gurey ee Magaalada Kismaayo.
Col. Aadan Yaas-kaadhun iyo Saraakiisha kale ee la socoto oo ku heyb ah Raa’isal Wasaare Saacid, ayaa waxay si weyn uga caroodeen dagaaladii ka dhacay Magaalada Kismaayo, ee ay boobka ku geysteen sida la sheegay Ciidamada Raaskambooni.
Xubnahaan oo maal mahaanba Magaalada Kismaayo kulamo kula lahaa Saraakiisha Raaskambooni ee Sheekh Axmed Madoobe ku heybta ah, ayaa waxay ku guuleysan kari waayeen inay xal wada gaaraan.
Ciidamada Kenya ee ku sugan Garoonka Kismaayo, ayaan wax is hortaag ah ku sameyn Saraakiishaan, waxayna si nabadgalyo leh ay uga soo amba baxeyn Garoonka Axmed Gurey.
Saraakiisha Maamulka Magaalada Kismaayo, ayaa waxay qaarkood ay muujiyeen sida ay uga caroodeen, markii Ciidamada Raaaskambooni lagu eedeeyay inay bililiqo kula dhaqaaqeen, goobihii laga saaray raggii Madaxweyne-yaasha Jubbaland sheeganaayay.
Sheekh Maxamed Maxamuud Yusuf Aw-libaax, oo ka tirsan xubnaha ugu sareeya ee ololaha u siday, sidii Maamulka Jubbaland looga hirgelin lahaa Gobolada Jubbooyinka & Gedo, ayaa wuxuu ku baaqay in la celiyo, dadkii hantidooda la boobay.
http://www.nabadbile.com/2013/07/04/sar ... sho-yimid/
"Jubbaland" clan project crumbling in front of our eyes ! I love it !






