Postby Murax » Sat Jul 06, 2013 12:11 pm
Excuse Me, I forgot to mention Kenya's Kitchen and Nursing Staff Raskambooni were with them
Dhagayso:- Sanbuur Abdi Faarax ” Goobweyn waxaa la wareegay ciidanka Raaskambooni iyo kuwa Kenya. Kuwii Barre Hiiraale waa isaga baxay halkaasi.”
July 6, 2013 - Written by admin - Edited byadmin
Sanbuur Abdi Farax oo ka mid ah madaxda ciidanka Dowlada Soomaaliya ee ku sugnaa deegaanka Goobweyn ayaa waxaa uu warbaahinta Kismaayo24.com u sheegay inay halkaasi gacanta hadda u gashay ciidamo uu ku sheegay Raaskambooni iyo kuwa Kenya oo is garabsanaya.
Sarkaalkan ayaa waxaa uu intaasi raaciyey inay ciidanka Barre Hiiraale uu watay ay isaga baxeen gebi ahaan tuuladaasi, maadaama awood xoogan la soo duldhigay. Waxaana uu dowlada Soomaaliya ugu baaqay inay arrintan wax ka qabaan.
Ciidamada uu Raaskambooni ku tilmaamaya ayaa xilli hore ku biiray maamulka Jubaland ee Ahmed Madoobe Madaxweynaha u yahay,iyaddoo tan iyo markii maamulkaasi la dhisay isaga joojiyey inay ku howlgalaan magaca Raaskambooni. Waxaana dhinaca kale aan la heyn wax cadeyn kara in ciidanka Kenya halkaasi tageen.
Sanbuur Abdi Farax waxaa kale oo uu ciidamada la wareegay gacan ku heynta Goobweyn ku eedeeyey inay dhibaatoiyin badan halkaasi ka geysteen. Taasi oo uu ku sheegay inay tahay mid aan la aqbali karin oo dhibaato ku ah shacabka deegaankaasi.
Xiriro dhowr ah oo aan la sameynay ayeysa inoo suurtagelin inaan helno telefoonada Goobweyn inay shaqeeyaan. Waxaana wararkeena danbe idin kusoo gudbin doonaa wixii wararar ah ee kasoo baxa xaalada Goobweyn.
Halkan hoose ka dhageyso hadalka Sanbuur Abdi Farax:
RIIX HALKAN SI AAD U DHAGAYSATO