AFTER NUMEROUS FAILED POLICIES TO GET RECOGNITION HE SUMMONED ALL THE WITCH-DOCTORS IN MIRQAAN-LAND TO HELP HIS ADMIN WITH THE RECOGNITION DILEMMA.
Hargeysa – Xaafado ka mid ah magaalada Hargeysa ayaa Khamiistii markale lagu arkay meydka Waraabe inta qoorta laga jaray lagu tuuray xaafad ka mid ah magaalada dhexdeeda, taas oo dadweynaha xaafaddaas argagax iyo baqdin gelisey.
Waraabaha labaad oo habeen hore lagu arkay xaafadda Cabbaaye ayaa la sheegay in isaga aan qoorta laga jarin, balse, la diley, kadibna dhegaha laga jaray, iyada oo dadka qaarkood sheegayaan in sidoo kale carabka laga jaray.
Ujeeddada ka dambaysa dilka waraabayaashaas xaafadaha dhexdooda lagu arkay iyo cidda dhigtay ama dishey ayaa lagu tilmaamay mid uu ka danbeeyo madaxweyne Siilaanyo oo u adeeg sanaya aaladan cusub sidii uu ugu helilahaa Somaliland aqoonsi buuxa.
Warar aan sugnayn ayaa sheegaya in sixiroolayaashii uu adeegsaday Siilaanyo ay ka deyrinyeen in sixirkoodu awood u laheyn inuu caalamku aqoonsado Somaliland, kadibna kula taliyey Siilaayo inuu Hindiya ka doonto Sixirooyaal ayaga ka aqoon badan. Sixirka ayaa si weyn loo rumaysan yahay inuu ku faafay Somaliland sanadahan dambe oo siyaalo door ah loo isticmaalo.




