1.30 day delay in unveiling the Jubba Government
2.Extra 10 members to Parliament bringing total number to 75
Muhiimada ugu weyn ee kulanka maanta ka dhacay xarunta Jaamacada magaalada Kismaayo ayaa ahayd sidii ergada soo dooratay Madaxweynaha Jubba Land ay wakhti dheeraad ah ugu dari lahaayeen mudada uu madaxweynaha jubbaland kusoo dhisi lahaa golayaasha Baarlamaanka iyo Xukuumadda Jubbada Land, maadaama uu dhamaaday wakhtigii hore ee madaxweynaha loo kordhiyay oo ahaa muddo dhan 27 casho, ,
Sidoo kulanka maanta ka dhacay xarunta jaamacada Kismaayo ayaa qayb ka ahaa tirada Baarlamanaka Jubba Land oo lagu kordhiyey 10-xubnood oo dheeraad ah, inkastoo dirada xildhibaanada jubbaland ay markii hore ahaayeen ilaa 65 xildhibaan,,,
Kulanka waxaa ka qayb galay Madaxweyne kuxigeenka koowaad ee maamulka Jubba Land, waxgarad, ergadii soo soo dhistay maamulka iyo marti sharaf kale.
Ugu horeyn Madaxweyne kuxigeenka Jubba Land Gen. Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo kulanka ugu horayn hadal ka jeediyey ayaa waxa uu ergada ka codsaday in madaxweynaha maamulka Jubblanad loogu daro muddo 30 maalmood oo uu ku soo dhisi doono golihiisa wasiiradda iyo xildhibaanada,,,,
Sidoo kale Fartaag ayaa ergada usoo jeediyey codsi ah in ay ka aqbalaan 10-xubnood oo ay ku soo kordheen tirada Baarlamaanka oo markii hore ahayd 65-xubnood taasoo tirada xildhibaanada jubbland ka dhigeysa 75-xubnood,Tirada ergada kulanka ka qeyblay oo aad u badnaa ayaa cod gacantaag ah ku ansixisay codsiga Madaxweyne kuxigeenka ee ahaa in 30-casho oo dheeraad ah lagu daro wakhtiga Madaxweynahu kusoo dhisaayo golayaasha Xukuumadda iyo Baarlamaanka Jubbada Land iyo tirada xildhibaanada ee la soo kordhiyay,,,
Sikastaba, Waa markii labaad oo ay ergada soo dooratay Madaxweynaha Jubbada land ay wakhti kordhin dheeraad ah ay ugu daraan muddada Madaxweynaha jubbaland looga fadhiyay inuu ku soo dhiso xubnaha ka maqan maamulkiisa,,,13-kii bishii June ayey ahayd markii ergadu ay muddo 27-cisho ah ugu dartay muddada uu Madaxweynahu kusoo magcaabaayo qaybaha ka harsan maamulka.
Kismaayo