Minister of commerce and former FM of Somaliland who was part of the delegation in the recent Istanbul talks says Somalia had no choice as Somaliland
made it clear they will not allow its airspace to be controlled by Mogadishu, he also warns the Somalia side to watch their mouth and not spread
falsehood as it can damage the talks in Turkey. He also says the sovereignty of Somaliland is non negotiable.
14 July, 2013
Xukuumada Oo Sheegtay Inay Waynayso Ku Eegayso Xili Xeedho Iyo Fandhaal Kala Dhaceen Qaabka Loo Wajahayo Tafaasiisha Ka Maqan Qodobkii Maamulka Hawada
Sual: Hadalka ka soo yeedhay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ee Somalia C/kariin Xuseen Guuleed ee mar uu Muqdisho Shirjaraa’id ku qabtey ku
sheegay in Heshiiskii Somaliland iyo Somalia ay ku gaadheen Stanbul ee uu ku sheegay in shirkaasi Somaliland ay ku qancinayeen si ay Midnimadda Somalia uga
qaybqaataan, arinkaas maxaad ka odhan lahayd?
Jawaab: Hadalkaas Wasiirka ka soo yeedhay maaha arin sax ah, waana arin tacbiir iyo tafaasiil khalad ah ka bixinaysa nuxurka dhabta ah ee wada-hadaladii
Stanbul, waxaana xaqiiq ah Somalia inaanay hadiyad ku bixinin arintan Maamulka Hawadda Somaliland iyo Somalia-ba aanu Hargeysa ka wada maamulno,
waxaanay noqotay arintaasi mid ay meel ay ka marto wayday dawladda Somalia. Waxaanay Somaliland arintaasi u go’aansatey oo ay Caalamka u cadaynaysay
inaanay ogolayn in hawadeeda diyaaradaha maraya aan laga maamulin meel ka baxsan, isla markaana markii ay guddidii shirka Somalia u matalaysay ay
arkeen inaan xaqiiqada jirta meel ay ka maraan aanay jirin ay khasab ku noqotey inay go’aankayagii u dabcaan oo ay Tanaasul samayso dawladda Muqdisho.
Laakiin waan ka xunahay in Wasiirkaasi uu yidhaahdo Somaliland ayaanu ku qancinaynay arintaasi, waxaanan u aragnaa hadalkaasi inuu waxyeeli karo
heshiiskii Stanbul, isla markaana waxaanu ku baaqaynaa xukuumad ahaan inay Madaxda Somalia ka waantoobaan wixii wax u dhimaya wada-hadalada socda.
Waxaanan markasta iyo meelkasta oo aanu joogno cadaynaynaa inaanay Madaxbanaanida Somaliland marnaba aanay gorgortan gali Karin.
http://www.haatuf.net/2012files/6483.html