This guy and his secessionists brothers hates the progress in Somalia. Nothing is more hateful in their eyes than to see a strong developed Somalia. May Allah destroy them with complete destruction and may He burn them in Hell.
His khawarij group fired mortars at the new Hospital built by Walaalaha Turkey.
Madaafiic caawa ku soo dhacay Isbitaalka Digfeer oo dhowaan Turkiga dayactir ku sameeyay
Tiro Madaafiic hoobiyeyaal ah ayaa caawa fiidkii ku soo dhacay isbitaalka Digeer ee degmada Hodan, kaasoo dhowaan Turkiga uu dib u dayactir ku sameeyay, isla markaana noqday Isbitaal casri ah.
Qof goob jooge ah ayaa xaqiijiyay ilaa labo madfac ay ku soo dhaceen darbiga Isbitaalka, inkastoo aan wax qasaare ah geysan.
"Waxa soo dhacay waxaa ku qiyaasayaa inuu ahaa hoobiye, darbiga agtiisa ayuu ku soo dhacay, wax qasaare ma geysan nalalkii waa shidan yihiin Isbitaalka"ayuu yiri qof goob jooge ah.
Lama oga halka laga soo tuuray madfaca, iyadoo arrintan aanay aheyn mid ku cusub magaalada Muqdisho in madaafiic ay soo dhacaan xilliyada qaar, waxaana bil ka hor ay aheyd markii madaafiic lagu soo tuuray Madaxtooyada.
____________
Qaar ka mid ah baalayaasha Nalalka ku shaqeeya qoraxda oo saaka la qarxiyay
Saddex ka mid ah baalayaashii nalalka ee ku shaqeynayay qoraxda ayaa saaka lagu qarxiyay Jidka Sodonka, halkaasoo labo bilood ka hor uu ka hirgeliyay Maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo weerarkan uu yahay kii labaad oo lagu qaado baalayaasha laga taagay Jidka Sodonka.
Laba qarax oo lagu xiray ilaa saddex baallo oo ku yaalay Isgoyska Al-Baraka ee degmada Hodan ayaa lagu qarxiyay, iyadoo baalayaasha ay dhulka u soo dhaceen abaarihii salaadii subax sida ay sheegeen dadka deegaanka.
Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxyada lagu bur buriyay saddex baalle oo ka mid ahaa kuwa dhowaan laga hirgeliyay wadada, dadkuna ay iftiisan jireen xilliyada habeenkii.
Ma jirin wax qasaare ah oo uu geystay qaraxan marka laga reebo bur burka baalayaashii oo gebi ahaan dhulka u soo dhacay, waxaana arrintan aad uga xumaaday dadka deegaanka.
Wadada Sodonka ayaa ka mid ah wadooyinka waa weyn ee isku xira degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana ay aheyd bishii May markii Maamulka Gobolka Banaadir uu wadadaas ka hirgeliyay nalalka ku shaqeeya qoraxda.
Nalalka ku shaqeeya qoraxda ayaa horay looga hirgeliyay wadada Maka Al-Mukarama iyo Wadada Wadnaha, iyadoo maamulka Gobolka Banaadir uu sheegay inuu nalalkan geyn doono wadooyinka magaalada.





