Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Golaha ammaanka ee qaramada midoobay oo cambaareeyay jabinta

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
xaliye123
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1133
Joined: Thu Nov 01, 2012 6:25 pm
Location: Maxaa iga galay nin geel badan.

Golaha ammaanka ee qaramada midoobay oo cambaareeyay jabinta

Postby xaliye123 » Thu Jul 25, 2013 12:50 pm

Khamiis, July 25, 2013 (HOL) - Golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa cambaareeyay jabinta cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea, iyadoo la sheegay in labada waddanba uu hubku ku sii qulqulo.

Go'aan ay isku raaceen dhammaan xubnaha 15-ka ah ee golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa lagu cambaareeyay hubka ku sii qulqulaya labadan dal oo la sheegay inuu yahay khatar dhanka ammaanka ah oo soo foodsaartay gobolka.

Golaha ayaa sheegay inay sideeda sii ahaan doonto cunaqabataynta dhanka hubka ah ee saaran Soomaaliya iyo Eritrea, balse waxaa la cadeeyay in laga khafiifiyay dawlada Soomaaliya oo ay lasoo dagi karto qalab ciidan iyo sidoo kale taageero iyo tababar lasiiyo ciidanka Soomaaliya ilaa iyo inta laga gaarayo March 6, 2014.

Golaha ayaa sidoo kalana walaac ka muujiyay dhoofinta dhuxusha ee sii socota, iyagoo sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan ciddii ku xadgudubta xayiraada saaran dhoofinta dhuxusha.

"Hadii ay sii socoto dhoofinta dhuxushu waxay keeni doonta jarida dhirta oo lama dagaan ka dhigi doonta dhul gaaraya 1,750 square kilometers oo ka wayn dhulka ay ku fadhido magaalada Houston ee gobolka Texas ee waddanka Maraykanka" ayaa lagu yiri warbixin loo akhriyay golaha.

Waxaa kale oogolahu go'aansadeen inay wakhtiga u kordhiyaan guddiga kormeerayaasha cunaqabataynta saaran Soomaaliya iyo Eritrea ilaa iyo Nov. 25, 2014.

Golaha ayaa sidoo kale ka digay in muranka dhinaca xadka ah ee u dhexeeya Eritrea iyo Djibouti ay khatar ku tahay amniga gobolka iyo kan caalamkaba.

Labada waddan ee Eritrea iyo Djibouti ayaa dagaal dhowr maalmood socday uu xadka ku dhexmaray ciidankooda sannadkii 2008-dii.

Dhanka kalana golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa ammaanay horumarka siyaasadeed ee Soomaaliya ay gaartay sannadahan u dambeeyay kasoo ay ku tilmaameen inuu yahay mid la taaban karo.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
asamad@hiiraan.com
Nairobi , Kenya

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: nnjrewzas112, SadSayyid and 25 guests