DEG DEG: Qarax Ismiidaamin oo goor dhow ka dhacay Xarun ay degenaayeen Shaqaale Turki ah oo ku taal degmada Hodan
Qarax Ismiidaamin ah ayaa goor dhoweyd ka dhacay Xarun ay degenaayeen Shaqaale Turki ah oo ku dhow Dugsigii Sare ee Banaadir ee degmada Hodan.
Sida ay sheegayaan wararka gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa galay xaruntaas, iyadoo rasaas laga maqayo nawaaxiga dhismaha la weeraray
Dhismahan ayaa waxaa degan shaqaalaha Turkiga ee ku sugan magaalada Muqdisho, gaar ahaan kuwa Safaarada Turkiga ku leeyahay Muqdisho.
Qaraxa ayaa ahaa mid si aad ah looga maqlay magaalada oo dhan, kaasoo markii jugta la maqlay magaalada oo dhan isla yeertay.
Lama oga qasaaraha, iyadoo ay adag tahay in la helo war ku saabsan qaraxa, waxaana
goobta qaraxa ka dhacay ku qul qulaya gawaarida gurmadka deg dega ah.
Turkey should withdraw all of her workers from that cursed country, in that cursed city. Its clearly that the inhabitants of that city never heard of civilization or islamic brotherhood.





