Afhayeenaka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Maxamuud Raage “Sh.Cali Dhere” ayaa shir Jaraa’id oo uu qabtay wuxuu kaga hadlay weerar ay galabta Ciidamo ka tirsan Mujaahidiinta ay ku qaadeen Xarun ay deganaayeen Diblomaasiyiinta Safaaradda Turkiga ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu ka dhashay Khasaare isugu jira Dhimasho iyo dhaawac fara badan.
Sh.Cali Dheere ayaa sheegay in Ciidamadoodu ay weerar toos ah la beegsadeen Xarunta Diblomaasiyiinta Turkigu ay deganaayeen, Islamaraana ay gudaha u galeen, halkaas oo ay ku dhinteen tiro illaa lix qofood ah oo dadkii la weeraray ah halka shan iyo toban “15” kalena ay ku dhaawacmeen oo u badan Turkida.
Maxaa Turkiga Loo Weeraray Soo Kama Tirsan Caalamka Islaamka?
Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in dadka qaarkood ay isweydiin karaan sababta ay Mujaahidiintu u weerareen Diblomaasiyiinta Turkiga ah maadaama ay Muslimiin yihiin, Waxaana uu sheegay in Turkigu uu qayb ka yahay Duullaanka lagu soo qaaday Wadanka Soomaaliya, islamarkaana dhibaatooyinka uu dalka iyo dadka Soomaaliyeed ku hayo ay ka mid yihiin:
1: Turkigu wuxuu Taageero Milatari iyo Mid Siyaasadeed u fidiyaa Kooxda Soomaalida ah ee dabadhilifyada ah, isagoona dhawaan hishiis kula galay in uu Maleeshiyaat usoo tababaro si ay ula dagaalamaan Mujaahidiinta.
2: Ciidamada Turkiga iyo Dowladoodu waxay qayb ka yihiin Gaashaanbuurta NATO ee isku bahaysatay sidii ay dadka Muslimiinta u xasuuqi lahaayeen, waxayna ka qayb qaateen duullaanka lagu hayo Muslimiinta Afghanistaan, sidaasna waxay uga bexeen Diinta Islaamka.
3: Hay’adaha wadanka Turkiga ee Muqdisho jooga waxay wadaan olole ballaaran oo lagula dagaalamayo Xoolaha dadka Soomaalida ah, iyagoo maalin walba gowraca kumanaan xoolaha dhiddiga ah, si ay u dabarjaraan khayraadka Xoolaha ee Soomaaliya, Sidoo kale Turkigu wuxuu Muqdisho ka wadaa olole lagu faafinayo dhaqanxumada iyo akhlaaq darrada.
Sheekh Cali Dhere ayaa sheegay in Cadaawadda Turkigu ay tahay mid aan Mujaahidiinta ka qarsoonayn, haryan ay dhowr jeer oo hore digniino ugu jeediyeen, balse ay iska dhega tireen, wuxuuna mar labaad Digniin culus ugu jeediyay Turkiga in ay faraha kala baxaan qorshayaasha guracan ee ka dhanka ah Danaha dadka iyo Dalka Soomaaliyeed, hadii kale ay la kulmi doonaan dharbaaxo ka daran mida galabta ku dhacday.
Halkan ka dhageyso Shirka Jaraa'id Ee Sheekh Cali Dheere MP3







